Saxilnews.com
Akhri Warbixin Kooban:– Buuqi Iyo Gacanka Hadalkii Ka Dhashay Maanta Ansixintii Hishiiskii Saldhiga Milatari Ee Barbara
February 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland  ayaa si wadajir u ansixiyay in Garoonka diyaaradaha ee Berbera lagu wareejiyo dowladda Imaraadka Carabta halkaasi oo ay ka dhisaynayso saldhig Milateri.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed siilaanyo oo maanta khudbadihii sanadlaha ahayd ka akhriyay kal-fadhiga xubnaha  Gollayaasha barlamaanka iyo Guurtida ee Somaliland ayaa xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyeen heshiiskaas.

Heshiiskan oo ay u codeeyeen 144 xildhibaan waxaa ka dashay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray xubno ka mida xildhibaanada aqalka wakiilada iyo ciidankii ilaaliyaanayay xarunta labada golle, taasi oo dhalisay in guddoomiyaha barlamaanka Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi  Ciro uu ka baxo hoolka aqalka  barlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Hargaysa ayaa ku tilmaamay codayntii iyo ansixintii heshiiska saldhiga milateri mid sharci darro ah, islamarkaana aan ansax ahayn, waxaa kale oo  uu sheegay in saddex xildhibaan ay ku dhaawac-meen  gacan ka hadalkii dhacay, sidoo kalena lix xildhibaan oo kale loo taxaabay xabsiga

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro gudoomiyaha golaha wakiiladu isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Barashuur ayaa la keenay kaas oo ah bahalka yare ee lagu xayeysiiyo tukaanada ee lama keenin hishiis, hay’adaha iyo tukaanada ayuu u ee kaa waraaq halkan lagu qorey, cid kala saxeexatay aanay jirin cid ay dhex-martayna aanay jirin, cid ay qabaneysaana aanay jirin sharcina aan aheyn, teeda kale bal baarlamaanku heys waydiiyaan waxaa ay ansixiyeen, markaa waxaan leeyahay arintani arrin qayral sharci ah ayay aheyd”

Sidoo kale gudoomiyaha golaha wakiiladu waxaa uu sheegay in Somaliland ay laheyd laba lugood labadiina maanta ay ka jabtay waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “Somaliland laba lugood ayay ku taagneyd oo labadiiba maanta ayay ka jabtay, midi waa umada oo Dimuquraadiyada ku dhaqanta oo aan ku dhaqmay,midna waa nabad-galiyadii nabad-galiyadiina maanta ayaa idiinku danbeysa, golihii oo la afduubay, xildhibaanadii rayigooda cabireyna golaha hortiisa ayaa lagu garaacay, ciidankuna waxaa ay ku soo gali karaan iyaga oo anaga naga amar qaata uun, waxaa meesha ka dhacayna waxaa ay aheyd wax habeenkii xalay ahaa laga hishiiyay, ciidankan xildhibaanada layayna waxaa ay ahaayeen qaar aan kuwayagii aheyn, anigu waxaan qabaa inuu jiro wax intaas ka weyni oo qaranimadii Somaliland laga noqday ayaan qabaa, waayo cidan aynu hishiiska la galey ee ciidamda keensaneysaa waxaa ay Somaliland u taqaana qayb ka mida Soomaaliya markaa waxaynu aqbaleynaa inaynu nahay qayb ka mida Soomaaliya”

C/raxmaan Ciro isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Xalka kaliya ee hadhay waxaa weeyaan diidmo shacbi maada aad xukuumadiina arkeysan xukuumadiina arkeysaan waana markii labaad ee xukuumada KULMIYE xildhibaano xasaanada leh ay xidho”

Guddoomiyuhu wuxuu ka codsaday dadweynaha soomaaliland inay  u soo gurmadaan barlamaanka oo uu sheegay in xukuumaddu ay afduubtay.

Lama saadaalin karo maalinta barito ah waxaa ay noqon doonto xaalada jamhuuriyada Somaliland, hase ahaate waxaa la hadal hayaa banaan baxyo laga dhigi doono magaalooyinka waa weyn ee Somaliland

Heshiiska muranka baddan ka dhexdhaliyay barlamaanka iyo xukuumadda Somaliland ayaa waxaa wada saxiixday dowladda Somaliland iyo dowladda Imaraadka oo saldhig milateri ka dhiganaysa Garoonka diyaaradaha Berbera oo hore u ahaa saldhigii ciidamada cirka ee Somaliland, waxaana sidoo kale saldhig uu u ahaa Ciidamadii Midowga Sofiyati Sanadihii toddobaanaadkii.

Dhanka kale xildhibaanadii iyagu diiday ansixinta saldhigaasi milatari oo iyaguna dareenkooda ka hadlay ayaa yidhi “Waxay yidhaaheen odayaashi hore wax walba arag ayaanu kaa dhignay waligey ismaan odhan Somaliland oo dawladii Siyaad bare dhulka jiidjiiday hadana Somaliland ayaa iyadu dhulka is jiid-jiidi, Cali Xaaji oo sida kubada I dul maraya ayaan arkayay, aduunka waraabaha ayaa u hilib jecel ayaa la yidhi markaa xukuumadani iyadiiba boqol kun oo waraaba ah, shacabow hadii aad qiimo leedihiin maanta waa leydin iibin-lahaa anagu quusaney ee shacab umadiina wax u tara waxaanan ka baqayaa in leysku kayo dul laayo, xukuumadan maantuna waa indhoole ku arka, dhagoole ku maqla, iyo lugoole ku gaadha, markaa waxaan leenahay Ilaahay badal kheyr qaba heynoo keeno”

Ugu danbeyn xubno ka mida golaha wasiirada, cuqaasha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa hishiiskani ku tilmaamay mid taariikhiya iyo guul u soo hoyatay Somaliland.

Kooxda isku magacowday toosinta iyo xubno ka mida xisbiyada mucaaridka ah ayaa oo iyaguna warbaahinta qaybaheeda kala duwan la hadlay ayaa siweyn u canbaareeyay ugana soo horjeestay hishiiskii maanta ee lagu ansixiyay wareejinta madaarka magaalada Barbara

 

 

COMMENTS
Latest News