Boqollaal tahriibayaal ah oo dhimatay

0
22
  Iyadoo badaha ku dhimanayaa, Boqollaal kale ayaa weli sii socda

Qiyaastii 200 oo qof ayaa laga cabsi qabaan inay ku dhinteen laba doon oo ku degay badda u dhexeysa Libiya iyo Taliyaaniga, kaddib markii doomihii ay la socdeen ay 500 oo qof ay saarnaayeen.

Tobannaan qof oo tahriibayaal ah ayaa sidoo kale la badbaadiyay, kaddib howlgal samata bixin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga.

Laakiin dalka Liibiya malahan maamul dhexe oo gacanta ku qabta malleeshiyaadka iyo dadka tahriibiya dadkaasi, waxaana sare u kacay tirade dadka u tahriibaya Yurub ee sii martaya dalka Liibiya.

Sanadkan oo kaliya waxaa badda ku dhintay boqolaal muhaajiriin ah.

Xeebta lagu magacaabo Zuwara waxa ay saaka ku waa bariisatay shacab dibad bax ka dhigaya halkaasi, waxayna ka soo horjeedaan tahriibinta dadka.

Labada doo nee ay la socdeen boqollaalka qof ee muhaajiriinta ah ayaa waxa ay degeen isla marka ay ka dhaqaaqeen xeebaha Liibiya.

Madaxa hay’adda socdaalka caalamiga ah ee IMO ee dalka, ayaa waxa uu saxilnews u sheegay in 100 qof illaa iyo hadda la badbaadiyay, loona gudbiyay xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla galbeedka dalkaasi.

Waxa uu sheegay in dadkan la badbaadiyay ay rag u badan yihiin, ayna ka mid yihiin sagaal dumar ah iyo laba caruur ah.

Dad ku sugan Zuwara waxa ay saxilnews u sheegeen in ugu yaraan 100 maydad ah la geeyay Cisbitaalka ayna ka mid yihiin dad loo maleynaayo inay u kala dhasheen Suuriya, Bangaladesh iyo qaar ka mid ah dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya. Laakiin tani si madax bannaan looma xaqiijin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here