New orleans (Saxilnews)-Madaxweyne Obama ayaa waxa uu xusay sanad guurada 10-aad ee ka soo wareegatay duufaantii Hurricane Katrina, isagoo ammaanay sida ay dadka magaalada New Orleans ay uga jawaabeen musiibada ku dhufatay magaaladooda.
Hadal xus ah oo uu halkaasi ka jeediyay ayuu Mr Obama ku sheegay in wax ku bilowday musiibo caadi ah ay noqotay musiibo uu bini’aadam keenay, taasi oo dowladdu ay ku guuldaraysatay in ay muwaadiniinteeda ay ilaaliso.
Hasayeeshee waxa uu sheegay in bulshada ay tan iyo markaa ku soo kabsatay waxa uu ugu yeeray iskaashi cajiib ah oo u dhexeeyay dowladda federaalka, midda gobolka iyo dadka degaanka.
Waxa uu sheegay in jawaabta ay bixiyeen dadka magaalada ay aheyd mid wanaagsan oo muujinaysa niyad wanaaga dadka Mareykanka, iyo in dadaalkoodu uu dhiirigaliyay.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com