Hargeysa(Saxil News.com)maalinta ardayda jaamacada ADMAS oo si weyn looga xusay isla jaamacadaasi iyadoo ay tahay jaamacadii ugu horaysay ee samaysa maalin u gaar ah adayda wax ka barata jaamacadaha, munaasibadaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka muuqday badi in ay tahay maalin ay ka dhex muuqdeen dhalinyaradu.
Waxa goobtaasi ka soo qayb galay Gudoomiyaha Jaamcada ADMAS mud Ixsaan ,Maamulka sare ee jaamacada, Arday Iyo Waliba Masuuliyiin kale oo marti ku ahaa goobtaasi ugu horayntii waxa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS Mudane Ixsaan Waxaanu Hadaladisii Ka mid ahaa,
‘’maanta waxa iska leh ardayda jaamacada ADMAS waxaanu ugu tallo galnay in ay ardaydu ay yeeshaan maalin u-gaar ah kuwaasi oo la yidhaa maanta iska dhiga bal wax barashadii oo maalintan oo kale idinkaa leh’’. Ayuu Yidhi mudane Ixsaan.
Geesta kale waxa qayb ka ahaa maamulaha kuliyada dhaqaalaha Mud Maxamed Guudle oo ahaa asaasayaashii fikradani muhiimka ah kaasi oo madasha hadalo kaftan ah iyo waliba dhiiri galin iskugu badan u jeediyey ardaydii kale duwanayd ee ka soo qayb gashay madasha,Waxa goobtaasi lagu soo qabtay Dood Cilmiyeed ay marti ku ahayeen masuuliyiin hore ugu baxay jaamacada ADMAS,
Kuwaasi oo ugu horayntii goobtaasi ka sheegay muddo dii ay ka maqnayeen jaamacada ADMAS oo ah muddo ku dhawaad 5 sanno wixii ay la kulmeen iyo waliba xaaladohoodii kala duwan,waxyabihii ay dalka gudihiisa iyo dibadiisa la kulmeen waxayna halkaasi ka faah-faahiyeen waxyaabaha ay dhalinyaradani kula talinayaan.
Waxa Kale oo munaasibadani lagu soo bandhigay Arday kala duwan oo u ololaysa arimaha deegaanka iyo sidii Somaliland horumar buuxda loo gaadhsiin lahaa Cumar C/risaaq Cali Iyo Iid Ibrahin Haybe oo ah dhalinyaro da,-yar oo u ololaysa sidii ay ugu qayb qaadan lahayeen arimaha Deegaanka Iyo Bini aadan Nimada
Kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay Sababaha Ku Kalifay In ay sameeyaan hawlahan iyadoo su aalona lagu waydiiyey isla goobtaasina kaga jawaabay,Ismaciil Yuusuf waa wiil dhalinyaro ah oo inta badan ka shaqeeya arimaha Somaliland gaar ahaan sidii ay Somaliland aqoonsi buuxda uga heli lahayd beesha caalamka iyo sidii ay Somaliland iskeed ay wax u qabsan lahayd.
Maxmed Sulub Oo ku hadlayey afka macalimiinta oo halkaasi ka sheegay in ay tahay wax lagu taami karo in ay Jaaamcada ADMAS yeelato Gudi dhalinyaro ah iyo waliba Maalin dhalinyarada Jaamacad ADMAS u Gaar Ah waxaanu halkaasi kula kaftamay ardaydii goobtaasi ku sugnayd iyo kaasi oo hadalo duur xul ah oo ay la dhaceen Ardaydii goobta ku sugnayd u Jeediyey.
Gabo Gabadii waxa halkaasi laysku waydiiyey Su,aalo lagu bixinayey Abaal marino kala duwan cidii ku guulaysata kuwaasi oo isla goobta lagu gudoonsiiyey abaal marinadii ay ku guulaysteen cid-kasta oo ka jawaabtay su aalahaasi kala duwan.
Xafladani oo ahayd mid Ilyartu Is-qabatay ayaa waxay ahayd maalin ay ardayda jaamacada admas ku hiran karaan kuwaasi oo ay ku soo bandhigi karaan wax kasta oo ay hibo u leeyihiin,waana jaamacadii ugu horaysay ee samaysa maalin u gaara ah Ardayda wax ka barata Jaamacada.
Saxilnews/com
Hargaysa Desk