FAYSAL CALI WARAABE OO MADAXWEYNE SIILAANYO UGU BAAQAY INUU MAGACAABO GUDDI MADAXBANAAN OO BAADHA SABABTA AY ASKARTU U DILAYSO SARAAKIISHOODA”””

0
9

Hargeisa (Saxilnews.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dilalka Saraakiisha Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka ku soo kordhaayey, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu sameeyo Komishan madax banaan oo soo baadha sababta dhabta ah ee dilalkan Saraakiisha keenaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo wareysi gaar ah siiyey saxilnews.com ayaa sidoo kale ka hadlay hawlgalada ay inta badan Ciidamada Boolisku fuliyaan, oo badanaa khaasare iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ka yimadaan, waxaanu ku taliyey in Ciidamada laga reebo rasaasta marka ay hawlagada ay fuliyaan, isla markaana isticmaalan qalabka iyo gaashanka loo adeegsado xaaladaha jira, ee ay markaas doonayaan inay wax ka qabtaan, waxaanu ugu sidoo kale ka hadlay maamulada hawada Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey khilaaf ka dhex taagnaa Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in ilaa hadda aan lagu kala bixin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan“In la sameeyo weeye Guddi Madax banaan oo arintaas [dilalka saraakiisha] soo baadha, waxa ay u eegtahay inay cadaalad daro ka taagan tahay Ciidamada, markaas haddii uu bilaa’adanku caadalad waayo wax kasta wuu ku kacayaa, oo wata Somalidu ku maahmado Rag ciil cadaab buu ka doortay, in la laayo Taliyayaashii iyo Saraakiishi waxa ay u eeg tahay in meeshii nidaam daro iyo cadaalad daro ka taagan tahay, markaas si loo helo xaqiiqda waxa taagaan; Madaxweynuhu waa inuu komishan madax banaan u sameeya oo dilalkaas si daba jooga ah sababta dhalisay soo baadha”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey hawlgalada ay fuliyaan Ciidamada Boolisku ayaa yidhi “Ciidamadu marka ay ka hor tagayaan banaanbax iyo waxaas qalab gooniya baa la siiya, Rasaasna waa laga ilaaliya, Rasaas wax dishana inay qoryaha ku qaatan waa laga ilaaliyaa, waana ka mamnuuc adduunka waa in qalabkii iyo gaashankii ay soo iibsadaan, oo laga ilaaliyaa in shacabka xabad loola tago.” Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey murankii hawada ee Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyey ayaa yidhi “Wali arintaasi wey taagan tahay gacantana waa lagu haya walina laguma heshiin, walibana waa muran taagan”

Maxamed hassan aadan

WWW.saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here