Saxilnews.com
Waxaanu Cambaaraynayaa Xukuumada Talada Haysa Ee ku Mashquulsan Shacabkeed u Hogaansan ee Ka Seexatay ka ILaalinta Cadawga
August 14, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Waxaan Cambaaraynayaa Xukuumada Talada Haysa Ee ku Mashquulsan Shacabkeed u Hogaansan ee Ka Seexatay ka ILaalinta Cadawga Qarankan Loo Doortay ee ay U Dhaarteen Daryeelkiisa iyo Difaaciisaba
Waxaa Maanta ka Soo Degay Degmada Buuhoodle Garoonka Macmalka ah ay Isticmaasho Kooxaha Nabadiidka Diyaarad Siday Hub iyo Saanad Milatery oo DFS u Soo Dhiibtay Hogaamiyaha Siyaasadu
Dariysay Ee Cali Khaliif Galaydh ILaa Iyo Waqtigan Dawladii Umaadani Dooratay Wax Jawaab ah Talaabo Kama Qaadin. Duulaankaas Qaawan iyo Hubkaas Dalka Soo Degay Waxaa Nasiib Daro. In Dawladii Kuwii Codkooda Siiyey ee Calanka U Siday RRU Afka Geliso Oo Caruurtii Dalka Maalin Kasta Ciidankii Cashuurta Ummada Mushaharkiisu ahaa Madaxa kaga Toogto Suuqayada Hargeisa Burco Berbera Gabiley Borama Ceerigaabo Wax Taalabo ahna Ka Qaadin Cadawga Dalka Hubka Kusoo Daabulaya Waajibaadkii Ka Saaraa Difaaca Qaranimada Dalka Ay Dayacday Waxaan Leeyahay Xukuumada Maanta Joogta Waad Ku Fashilanteen Difaacadii Qaranimada Ee Amaanada Ummadii Layd ku Soo Celiya Murti
Somaliyeed ayaa Tidhaada Nina
Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabay Nina Dhuunuu Kuu Dhex Joogaa
Waxaa Cadaan Ah in Xukuumada Maanta Talada Haysaa Tahay Tii ay Sheegtay Murtidani
Wabilahi Tawqiif
C/qani Ismaaciil Maxamed (foodcadde)
Xoghayaha Duulista iyo Hawada ee Xisbiga UCID
Email : Foodcadde2004@hotmail.com
Skype Abdiqani626

COMMENTS
Latest News