Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Somaliya Oo Is Casilay

0
14

Moqdisho (Saxilnews):- Raysal Wasaarihii dhawaan loo magacaabey dalka Somaliya Muddane Xassan Cali Khayreayaa warqad uu maanta soo saaray waxaa uu ku shaaciyey in uu iska casilay shaqadii uu ka hayay Shirkada Soma Oil and Gas ee xarunteedu tahay magaalada London ee dalka UK .

 
Raysal Wasaaraha cusub Muddane Xassan Cali Khayre ayaa waxaa uu ahaa madaxii shirkada Soma Oil And Gas ee Geeska Africa , waxaana uu shirkadaasi ku lahaa saami dhan 2 Milyan Oo Doller .

 

Shirkada Soma Oil And Gas oo ka hadashey iscasilaada Raysal Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa waxaa ay aad u amaanen shaqadii uu soo qabtey intii uu shirkada ka mid noqdey oo uu shirkadaasi ku biiray sanadkii 2013 .

Iscasilada uu Raysal wasaaraha cusub ee dalka Somaliya uu ka sameeyey shaqadii uu ka hayey shirkada Soma Oil And Gas ayaa waxaa ay ku beegmaysaa xili aanay wali ansixin baarlamaanka dalka Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here