Saxilnews.com
Shacab Oo Cabasho Ba,An Ka Muujiyay Ciidanka Booliska Saldhiga Dhexe Hargaysa Iyo Taliyaha Guud Oo Dhagaha Ka Furaystay + Eheleada Dadka ….
February 24, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa dhagaha ka furaystay cabasho badan oo ugu tagtay ciidanka booliska saldhiga dhexe kuwaas oo Ehelada dadka ku xidhan u diiday in ay arkaan,

Waxaanay markiiba kuu sheegayaan in Taliyaha guud amar ku bixiyay in aan cidna cid la tusi Karin waa askarta ka howlgasha saldhiga dhaxee.

Taliyaha guud ee booliska ayaan wali ka hadal sababta keentay in ehelka cida xidhan laga horjoogsado, oo maxaabiista ku xidhan saldhiga dhexe loogu diido in la booqdo.

Taliyaha ayaa inta badan dhulka dhiga hadalka ugu taga shacabka iyo xisbiyada mucaaridka ah waxaaana kaliya uu u dhago nugul-yahay awaamiirta xukumadda iyo xisbigeeda oo uu ku tilmaamo waajib ciidan.

Lama garanyo sababta keentay arrintani balse dad badan oo madaxtooyadda ku dhow dhow ayaa sidani lagu sameeyay marka laga reebo dadka danyarta ah oo loo diiday in ay arkaan ehelkooda.

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News