Maxkamada ayaa hal sano oo xarig ah ku xukuntay jilaagan ka dib markii lagu qaaday fal dambiyeed uu galay 11-sano ka hor.
Aditya Pancholi waxaa xukunkaan ku riday maxkamada magaalada Andhara ka dib markii lagu helay inuu jirdilay qof dariskiisa ah sanadii 2005 kaasoo ay murmeen.
Waxaa sidoo kale Aditya Pancholi lagu xukumay ganaax lacag u dhigantay qiyaastii $300 inuu bixiyo maadaama uu xiligaas ninka dariskiisa ahaa si xun jir dilay sankana ka jebiyay ka dib markii labada nin uu dhexmaray muran la xiriira goob gaadiidka laa dhigto.
Booliska ayaa xiligaas xiray Aditya balse damaanad ayaa lagu sii daayay, waxaana dacwadan ay socotay muddo 10 sano ka badan.
Pancholi ayaa markii uu ka soo baxay Maxkamada xukuntay waxaa su’aalo kala hortagay koox weriyeyaal ah, hase ahaatee waxaa uu jawaab kaga dhigay afka oo uu farta saara taasoo la macno ah inuusan hadleynin, iyadoo qareenadiisu sheegeen iney racfaan ka qaadan doonaan xukunkan.