Saxilnews.com
Odey Dhaqameedyo Ka Soo Jeeda Beelaha Subeer Awal oo Codsi Saamayn Ku Yeelan Kara Beesha Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyey Jamaal Cali Xuseen+ Murashaxa UCID oo Guddoonsaday in La Dhiso Muuse Biixi Dabadii
November 6, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Salaadiin iyo odey dhaqameedyo ay hoggaaminaayeen Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi iyo weli ba sida oo kale Odey Muuse Dalab oo ka soo jeeda beelaha Subeer Awal, ayaa kulan ay la yeesheen Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen u soo bandhigay qodobo dhowro oo bedel u noqon kara haddii uu aqbalo codsi ay uga sideen Muuse Biixi oo ah in uu ka tanaasulo hankiisa Murashaxnimo si codka beelaha Subeer Awal ay hal meel u wada maraan.

Ma jiraan warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhanka Jamaal Cali Xuseen iyo odey dhaqameedyada, balse sida ay Warbaahinta HEEGAN-NEWS ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhawaa kulanka ay iskugu yimaadeen labada dhinac, ayaa noo xaqiijiyey in Jamaal Cali Xuseen loo soo bandhigay in haddii uu oggalaado in uu ka tanaasulo hankiisa Murashaxnimo uu noqon doono Murashaxa ugu horreeya ee Muuse Biixi dabaddii ay dhisi doonaan beelaha Subeer Awal iyo weli ba sida oo kale in muddadaas ka horreysa la siin doono magdhow siyaasaddeed oo gaadhaya lacag dhan Hal-Milyan oo lacagta Mareykanka ah.

Wararku, waxa ay intaas ku darayaan in dood dheer ka dib uu Jamaal Cali Xuseen oggalaaday in uu ka tanaasulo hankiisa Murashaxnimo balse waxa ay xogahu tibaaxayaan in uu cuskaday hal qodob oo caqabad ku noqday in la soo gunnaanado doodaasi, isaga oo ku adkaystay in ka hor inta aanu ka tanaasulin hankiisa Murashaxnimo uu doonaayo waxa dammaanad siyaasaddeed  uga noqda hankiisa Murashaxnimo ee uu ka tanaasulay, isaga odey-dhaqameedyaddii ka codsaday in isna dhankiisa loogga tanaasulo guddoomiyenimada Xisbiga UCID.

Dood dheer iyo muran ka dib, waxa doodaasi ay ku soo idlaatay in loo balamo kulamo dambe, balse waxa is weydiin mudan haddii ba uu Jamaal ka tanaasulo hankiisa Murashaxnimo sidee ayey suurto-gal u tahay in codsigan iyo magdhowyadan siyaasaddeed ee beelahiisu u soo bandhigeen ay u noqon karaan kuwo qeyb ka ah sii jiritaanka macaamilka siyaasaddeed ee ka dhaxeeya beesha Madaxweyne Siilaanyo iyo beesha uu ka soo jeedo Murashaxa KULMIYE, maadaama Muuse Biixi dabaddii ay beelaha Subeer Awal go’aan ku gaadheen in ay dhisaan Jamaal Cali Xuseen.

COMMENTS
Latest News