Hargeysa (Saxilnews):- Wasiir ku xigeenka gobalada iyo degmooyinka ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa waxaa uu ka hadley hadlo dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo ku saabsanaa Lix goobood oo uu ku yaala waqooyiga Hargeysa oo ay xukuumadu sheegtay in ay diwaangalinta ka bilaabeyso
Gudoomiye Ciro oo arintaasi isagu ka hadley ayaa waxaa uu sheegay in aanay go,aaankaas xukuumadu qaatey isku ogeyn isla markaana ay tahay mid u gaar ah xukuumada
Hadaba wasaarada arimaha gudaha ayaa waxaa a dhibsatey hadaladaasi ka soo yeedhay gudoomiyaha waxaana wasiir ku xigeenka wasaardaasi eedeymo culus hawda u mariyey gudoomiye Ciro
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan