Saxilnews.com
WASAARADA ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO DHIBSATEY HADALO KA SOO YEEDHAY GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI EEDEYMO CULUSNA HAWADA U MARISAY + MUUQAAL.
August 31, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiir ku xigeenka gobalada   iyo degmooyinka ee wasaarada arimaha gudaha  Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin  ayaa waxaa uu ka hadley hadlo dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo ku saabsanaa Lix goobood oo  uu ku yaala waqooyiga Hargeysa oo ay xukuumadu sheegtay in ay diwaangalinta ka bilaabeyso

 

Gudoomiye Ciro oo arintaasi isagu ka hadley ayaa waxaa uu sheegay in aanay go,aaankaas xukuumadu qaatey  isku ogeyn isla markaana ay tahay mid u gaar ah xukuumada

Hadaba wasaarada arimaha gudaha ayaa waxaa a dhibsatey hadaladaasi ka soo yeedhay gudoomiyaha waxaana wasiir ku xigeenka wasaardaasi eedeymo culus hawda u mariyey gudoomiye Ciro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News