XISBIYADA MUCAARADKU WAXA AY KU SIFOOBEEN IN AY XAQIRAAN GUULAHA XUKUUMADA,GOLAHA GUURTIDUNA KA HAWL GALI MAAYO SULDAAN WABAR

0
28

Hargaysa( Saxilnews.com)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasin(Xildhibaan Dheeg)ayaa ka hadlay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku soo Maray Gobolada Dalka, Kaas oo ku tilmaamay mid uu ugu Kuur Galo Xaalada Dhabta Ah ee Ay shacabku ku noolyihiin.

waxa uu sheegay in Asxaabta Mucaaradku Ay ku sifoobeen in ay Xaqiraan Waxqabadka Xukuumada,isaga oo u soo jeediyay in Ay Buugooda Siyaasadeed Iyo waxa ay Shacabka u qabanayaan Soo ban-dhigaan.

Xildhibaanku waxa uu ka hadlay Sababta Ay uga Hawli Gali wayeen Arinta Suldaan Wabar iyo Mudo Kordhin la sheegay in ay Golaha Guurtidu Xukuumada u Wadaan.

ugu Horayn waxa uu ka hadlayaa Safarkii Madaxwaynaha Somaliland Inuu Guul Ahaa  “Waxa ay ila Tahay Marka Mucaarad-nimo Laga Hadlayo Layskama Hadlo,Qofka Doonaya inuu Tamashleeyo waxa uu Socdaa Marka uu Dhulka Cagaar Leeyahay Ayuu Meesha uu Doono iska Maraa,Lakiin Jiilaalada iyo Abaaraha Qofka Matamash-leeyo,Madaxwaynahuna Waxa uu u Socday Dadla iyo Danta Dadkiisa,Gobol Walba iyo Degmo Walbana Waxa uu Soo ogaaday Waxa ay ku Nool Yihiin,Wixii uu u qaban Karo Wuu u qabtay,Wixii uu Xadhiga Ka jari Karo wuu Ka jaray,Wixii Danbena wuu u qaban Doonaa.

Waxa uu intaas ku daray Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa siiwataa”.Mudo Kordhinta Anagu Ka Gole Guurti Ahaan waxaanu ka taaganay Halkaad Adigu ka Taagan tahay,Waayo waa waxaan La gaadhin in ay Qabsoomayso iyo inaanay Qabsoomayn,Wax qabyo Ah dhinac Doorashada Majiraan Madaxwaynaha Ayaa ka hadlay in ay Dhacayso,Lakiin Hadii ay dhacdo Dadku waxa ay isi waydiinayaan waxa Lag yeelayo Sharciga u yaal Ayaa La Raacayaa.

Xildhibanku waxa uu sheegay in Wakhtigii loogu Talo Galay in Ay Doorashadu ku dhacayso Xukuumaduna Diyaarisay Lacagihii Lagu Gali Lahaa Doorashada,Waxaana uu Sheegay in Loo Xil Saaray Arimaha Doorashada Komiishanka Loona Baahan Yahay in looga Danbeeyo.

“Arimaha Doorashada waxa aynu u samaysanay Gudi Layidhaa Komiishanka Doorashooyinka,waxaana ay Kitaab Quraan Ah gacanta u saareen in ay umada dhex u noqon Doonaan,Hadii Madaxwaynahu Khaldan Yahay oo dawladu Dhaliil ku leedahay Iyaga ayaa inoo Soo sheegaya oo odhan Doona Dawlada Waxaanu uga Baah-nayn Way noo qaban Wayday,Markaas Ayaa La eegi Doonaa Lakiin Inta ka Horaysay waxaanu qabnaa Xiligeeda Dhaafi Mayso.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Kaalintii Ay ku lahayeen Arimaha Nabad Galiyada Iyo Xalinta Khilafaadka oo ay ka Gaabiyeen,Suldaan Wabarna waxa uu ku sifeeyay Mid Diidan Aqoonsiga Somaliland oo Soo Bidhaamay waxaana uu yidhi.

“Arintii Doorashadu Marka Ay Soo iftiimtay Ayaa Suldaan Wabar Laga Soo Diray Xaga Dibada kaas oo layidhi ka shaashee Aqoonsiga u soo bidhaamay Si loo yidhaa Somaliland Madhama oo Awdal ayaa jirta oo ka Goday,Arintiisa wabar Deegaanka oo dhami Lama Qabo inta uu yimid Ayaa uu ka Dhex toosay uun,Markaas Ninka Lagu Eeday Maayo In Xukuumadu Mudo Kordhi ku Doonayso Lakiin waa nin Qadiyada somaliland ka Soo Horjeeda

Waxa uu sidoo kale sheegay inaanay Ka hawl galayna Arinta Suldaan Wabar,waxaana uu ku sifeeyay mid ka Baxsan Xuduuda Somaliland.Xildhibaankuna waxa uu beeniyay shaqadii ay u hayeen Shacabka Somaliland ay Xukuumadu kala Wargeetay.

Labada Xisbi Mucaaradna waxa uu ku sifeeyay qaar Ka soo horjeeda Horumarka Ay gaadhay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo isaga oo sheegay in Mucaarad-nimada ka gaadhay in ay xaqiraan Wax qabadka ay Arkaan Indhaha Caafimaadka qabaa,Xisbiga Wadanina Waxa uu ku tilmaamay mid Aan Lahayn Buug Siyaasadeed oo uu dalkan ku hago.

Berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here