Saxilnews.com
Wasiir-Kuxigeenka Amniga Somaliland Ayaa Sheegay In La Dilidoono Dadkii Ku xukunaa Dilalka
February 4, 2015 - Written by admin

HARGAYSA (Saxilnews.com)-Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Dib U Habeen Sanadkan Cusub Lagu Sameyey Laamaha Amniga Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha.

Waxaa Uu Sheegay Wasiirku In Sanadkan Cusub Ee Aynu Ku Jirno Sida Ugu Dhakhsaha Badan Loo Bilaabi Doono Fulinta Dadka Dilay  Dadka Si Ay U Yaarto Dadka Dilaalka Geysanaya  Waxana Uu Yidhi Wasiirka Oo Arimhaasi Ka Hadlay  “Waxaanu Idiin Sheegaynaa In Dhamaan Cid Kasta Oo Qarankan Wax Ka Dishay Tirarkoodu Aanu Taagi Doono  Baritoole Isla Markaana  Lagu Fulin Doono Dilkii Lagu Xukumay  Ninkii Iminka Wax Iska Dila Waxaa La Yidhaa Kuwii Horeba Lama Dilane Ana waan Samayn

Waxaa Kale Oo Aan Idiin Sheegaynaa Cid Cid Kale  Xoog Wax Kaga Haysan Kartaa Ma Jiri Doono Hadii Ay Tahay Dhul Iyo Wax  Kalaba Waa Dib U Habeenta Cusub Ee Lagu Sameyey Wasaarada Daakhiliga Iyo Hayadaha Aminigu Isla Qaaten Haday Gobal Tahay Iyo Hadii Ay Caasimada Tahayba “  Ayuu Yidhi Wasiirku .

Sidoo Kale Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa U Wasiirku Digniin Adag U Diray Dhalin Yarada Koox Kooxda U Dagaalanta Iyo Walidiintoodaba “ Waxa Kale Oo Aan Idiin Sheegaya  Maanta Laga Bilaabo Ama Sanadkan Cusuba  Laga Bilaabo Iyada Oo Hawl Galku Socdo Liiska Aanu Hayno Ee Cararta Koox Kooxaha Ah Magaalada Ha Joogo Ama Ha Maqnaadane  Goor Aanu Qabanaba Waanu Qaban Doono Daanta Doonu Ha Jooge Cid Kasta Oo Nabad Galyada Khal Khal Galinaysana Gacan Buuxda Ayaanu Ku Qaban Doona Aniga Oo Ah Haayadaha Aminiga” Ayuu Yidhi .

Ugu Danbeyntii Waxaa Uu Wasiirku Xusay In Aaney U Dul Qaadan Doonin Cid Kasta Oo Nabad Galyda Somaliland Khal Khal Galinaysa “Ma U Dul Qaadan Doono In Inan Yar Ama Cid Kalaba Ha Ahtee In Nabad Galayda Khal Khal La Galiyo Waxan Walidiinta Leeyahay  Ninkii  Hadhow Is Qoomameen Donow Iminkaba Caruurtaada Qabso Hadii Kale Adiga Ayaa Ku Xigi Doona Oo Aanu Ku Xidhi Doona” Ayuu Ku Soo Gabo Gabeyey Hadalkiisi Wasiir Ku Xigeenka Aminga Ee Wasaarada Arimaha Guduhu.

Berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News