Xasan Sheikh Maxamuud Ayaa Soo Qaaday Olole Kale Oo Ku Wajahan Sidii Ay Mar Kale Gacanta Ugu Dhigi Lahaayeen Internet Ka Somaliland

0
26
Shirkadda Dalksom Somalia waa shirkadii hore ula tartamaysay shirkada SOMCABLE, waa shirkad siyaasadeed ay leedahay dawladda Somalia iyadoo hore u doontay in ay Internet dalka Somaliland ay gacanta u galiso dawladda Somalia ee uu Xasan Sheikh maxamuud Madaxda ka yahay. Bulshada Somaliland ayaa olole ka gashay wakhtigaasi isla markaana dawladu ay aqbashay codsigoodii oo ay mashruucii siisay shirkada Somcable ee muwaadinka reer Somaliland uu leeyahay.
Dhawr sanno ka dib shirkadii Dalkom Somalia ee Somaliweyn oo kaashanaysa dawladaha Carabta ee taageera dawalada itaalka daran ee Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo qaaday olole kale oo ku wajahan sidii ay mar kale gacanta ugu dhigi lahaayeen internet ka Somaliland si markii la doono ay dawlada Mogadishu ay hawada uga saari lahayd internetka oo waayadan noqday diblomaasiyada ugu adag ee lagu dagalamo, dawladaha carabtu waxay arrintaasi u wakiisheen dawladda Cumaan oo dabada ka wada sidii maamulida xadhiga internet ka ay gacanta ugu galin lahayd dawladda Somalia.
Madaxa Omantel Sohail Qadir ayaa si cad ugu qoray website ka shaadhka cusub ee Dalkom Somalia “Waxaanu xadhiga ka soo qaadi doonaa Cumaan ilaa Soomaaliye”
Muwaadin is waydii wadanka waxaa ka jirta shirkadda SOMTEL oo 100% uu leeyahay muwaadin reer Somaliland ah maxay dawlad Cumaan ay u rabtaa in ay heshiis ula gasho shirkadda Telesom oo aynu ognahay in 51% laga leeyahay Mogadishu iyo dawladda aynu jaarka nahayee Somalia. Waa waxyaahaba ay tahay in muwaadiniintu ay ku baraarugsanaadaan oo ay arrimaha socda ugu eegaan ildheeraad ah. Haddii kale waxaa aynu ka war heli doonaa iyadoo la inna iibsaday oo dalkaba meel kale looga arrimiyo.
Waxaan xasuustay wakhtigii markaanu u baahano in aynu telefan dirsano xamar tagi jirnay, maaha arrin u soo noqon doonta dib waa arrin laga baraarugay.
Xukuumadda Somaliland & shacabkaba waxaan u soo jeedinaynaa feejignaan & taxadir badan in la muujiyo sida haatanba talaabada haboon ay u qaadeen.
Ahmed Ismail Abdi
Leicester

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here