Saxilnews.com
Gudoomiyaha Golaha Deeganka Berbera Iyo Mareeyaha Dekeda Berbera Waxay Tacsi Udirayaan Xaaji Shide Xaaji Diiriye
May 3, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Anigoo Ah Gudoomiyaha Golaha Deeganka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) Kuna Hadlaya Afka Shaqaalaha Waynaha Dawlada Hoose ee berbera waxaanu tacsi tiiranyo leh udirayaa Xaaji Shide Xaaji Diiriye Oo kamid aha odayaasha odayaasha Waawayn Ee Deeganka gobolka Saaxil oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday magaalada Hargaysa

Waxaan marxuunka ka tacsiyeynayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay waxaanan Alle SWT uga baryayaa inuu samir iyo iiman kasiiyo iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland

Anigoo Ah Mareeyaha Guud Ee Dekeda Berbera Eng: Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor)  Kuna Hadlaya Dhamaan Shaqaalaha Kala Duwan Ee Dekeda Caalmiga Ah Ee Berbera Waxaan Tacsi Tiiranyo Leh Udirayaa Dhamaan Ehelada iyo Deeganka Uu Ka Baxay Marxuum Shide Xaaji Diiriye Faarax   Oo Kamid Ahaa Odayaasha Gobolka Saaxil

Waxaanan leeyahay Ilaahay Samir Iyo Iiman Haka Siiyo Eheladii Iyo Qoyskii Uu Kabaxay Marxuumkaasi Allena Qabriga Ha Unuuro

Marxuumku Waxaa kamid ahaa sidoo kale Ganacsatada Waawayn Ee Magaalo Xeebeda Berbera

Marxuum Shide Xaaji Diiriye Faarax waxaa kamid ahaa odayaashii kasoo qaybg qaatay dib udhiskii dalka iyo ololayaashii lagu doonayey Xornima Doonka wakhtiyadii sideetamaadkii

Alle Ha Naxariisto Marxuumkaasi

 

WWW.SAXILNEWS.COM

COMMENTS
Latest News