Berbera(Saxilnews.com)-Munaasibadan shaacinta musharaxnimada Cali Jamac Caraale (Cali Qaran) Ayaa ka dhacday hotel maasoor ee magaalo xeebeda Berbera.
Munaasiabadaasi waxaa kazoo qaygalay Sulaadiin Cuqaal Waxgarad Siyaasiyiin Xildhibaano Dhalinyarada Magaalada Berbera Iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada
Munaasiban oo ahayd tii ugu balaadhanayd ee ka dhacda magaalada Berbera marka la eego miisaanka dadka soo buux dhaafiyey madasha Shaacinta Xildhibaanimada Cali Jamac Caraale
Ugu horayn halkaasi waxaa hadal kazoo jeediyey isla markana lagu soo dhaweeyey si uu xaflada ufuro uguna duceeyo Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
Wuxuunu sheegay inuu xildhibaankani yahay nin ku haboon Xilkaasi uu higsanayo sidoo kalena wuxuu ugu duceeyey inuu Alle Xilkaasi ku guuleeyo kana mid noqdo Xildhibaanada Guulaysta waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Berberana kula dardaarmay inay codkooda ugu hiiliyaan musharaxaasi Waxaa suldaanku Wuxuu yidhi ‘’hadaad tihiin dhalinyaro Doorta Dhalinyarad dadka waawayn Ha Dooranina ‘’
Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase) Ayaa isaguna soo dhaweeyey musharaxaasi isagoo halkaasina kaga sheekeyey taariikhada magaalada berbera iyo bulshadeeda waxaa uu dhalinyarada kula dardaarmay inay musharaxaasi taageeraan una muujiyaan himilo muuqata iyo kalsooni shacab oo laysku halayn karro ‘’
Dadka madasha ka hadlay oo tiro badnaa dhamaantoodba waxay si qotodheer ugu hadleen Kartida ,Aqoonta ,Iyo Waayo Aragnimada Xildhibaanimada Cali Jaamac Carraale (Cali Qaran) dhamaan tageerayaashaasi waxay balanqaadeen inay kalsoonidooda oo buuxda ay siin Doonan musharaxaasi una codayn doonaan maalinta Doorashada baarlaamka ee 2017ka
Kasoo qaybgalayaasha munaasibadan ayaa jawi ahaan umuuqday kuwo si wayn ufaraxsan isla markana ruxaayey calanka iyo astaanta musharaxooda kuna dhawaaqayey Xildhibaan Cali Hanoolado iyo erayo Kale oo badan
Xildhaan cali jaamac Caraale waxaa noqonayaa Xildhibaankii Ugu horeeyey ee soo bandhiga hankiisa muasharaxnimo cadeeyana mawqifkiisa ku aadan doorashada Baarlamaanka ee soo socota
Xildhaanku Waxaa kamid yahay Dhalinyarad ugu firfircoon ee gobolka Saaxil kuna dhaqan Magaalo Xeebeda Berbera Xildhibaan Cali Qaran waxaa kamid yahay dhalinta sida xooga ah uga soo shaqeeyey Horumarinta magaalada Berbera waxaa kale oo kamid yahay Raggii Asaasay ‘’ Seeska Udhigay ‘’ Haayada wadaniga ah ee yovenco waxaa uu kaalin wayn ka qaata taageerida Dadka Jilicsan Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Qaybaha aan codkooda la maqale Bulshada waana shakhsiyada ku suntan daacadnimo Karti iyo aqoon Sare oo ilaa Heer jamacadeeda
Bulshada gobolka saaxil waxaa Looga Baahan yahay Inay Si Mug iyo Miisaan Leh U Taageerto Sidii looga Yaqaanay Bulshada Caafimaadsan ee Berbera Xildhibaankaasi
berbera2002@gmail.com
..