Saxilnews.com
Xaflada Shaacinta Xildhibaanimada Cali (Qaran) Iyo Buux Dhaafka Bulshadii Berbera Madasha +Hadaladii Qiirada Xabaarsanaa Ee Bulshada Berbera ”
May 16, 2016 - Written by admin

Berbera(Saxilnews.com)-Munaasibadan shaacinta musharaxnimada Cali Jamac Caraale (Cali Qaran) Ayaa ka dhacday hotel  maasoor ee magaalo xeebeda Berbera.

IMG_1866

Munaasiabadaasi waxaa kazoo qaygalay Sulaadiin Cuqaal Waxgarad Siyaasiyiin Xildhibaano Dhalinyarada Magaalada Berbera Iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada

Munaasiban oo ahayd tii ugu balaadhanayd ee ka dhacda magaalada Berbera marka la eego miisaanka dadka soo buux dhaafiyey madasha Shaacinta Xildhibaanimada Cali Jamac Caraale

Ugu horayn halkaasi waxaa hadal kazoo jeediyey isla markana lagu soo dhaweeyey si uu xaflada ufuro uguna duceeyo Suldaan Jaamac Cismaan Aadan

IMG_1914

Wuxuunu sheegay inuu xildhibaankani yahay nin ku haboon Xilkaasi uu higsanayo sidoo kalena wuxuu ugu duceeyey inuu Alle Xilkaasi ku guuleeyo kana mid noqdo Xildhibaanada Guulaysta waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Berberana kula dardaarmay inay codkooda ugu hiiliyaan musharaxaasi  Waxaa suldaanku Wuxuu yidhi ‘’hadaad tihiin dhalinyaro Doorta Dhalinyarad dadka waawayn Ha Dooranina ‘’

 

Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase) Ayaa isaguna soo dhaweeyey musharaxaasi isagoo halkaasina kaga sheekeyey taariikhada magaalada berbera iyo bulshadeeda waxaa uu dhalinyarada kula dardaarmay inay musharaxaasi taageeraan una muujiyaan himilo muuqata iyo kalsooni shacab oo laysku halayn karro ‘’

Dadka madasha ka hadlay oo tiro badnaa dhamaantoodba waxay si qotodheer ugu hadleen Kartida ,Aqoonta ,Iyo Waayo Aragnimada Xildhibaanimada Cali Jaamac Carraale (Cali Qaran) dhamaan tageerayaashaasi waxay balanqaadeen inay kalsoonidooda oo buuxda ay siin Doonan musharaxaasi una codayn doonaan maalinta Doorashada baarlaamka ee 2017ka

Kasoo qaybgalayaasha munaasibadan ayaa jawi ahaan umuuqday kuwo si wayn ufaraxsan isla markana ruxaayey calanka iyo astaanta musharaxooda kuna dhawaaqayey Xildhibaan Cali Hanoolado iyo erayo Kale oo badan

Xildhaan cali jaamac Caraale waxaa noqonayaa Xildhibaankii Ugu horeeyey ee soo bandhiga hankiisa muasharaxnimo cadeeyana mawqifkiisa ku aadan doorashada Baarlamaanka ee soo socota

IMG_1967

Xildhaanku Waxaa kamid yahay Dhalinyarad ugu firfircoon ee gobolka Saaxil kuna dhaqan Magaalo Xeebeda Berbera Xildhibaan Cali Qaran waxaa kamid yahay dhalinta sida xooga ah uga soo shaqeeyey Horumarinta magaalada Berbera waxaa kale oo kamid yahay Raggii Asaasay ‘’ Seeska Udhigay ‘’ Haayada wadaniga ah ee yovenco waxaa uu kaalin wayn ka qaata taageerida Dadka Jilicsan Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Qaybaha aan codkooda la maqale Bulshada waana shakhsiyada ku suntan daacadnimo Karti iyo aqoon Sare oo ilaa Heer jamacadeeda

Bulshada gobolka saaxil waxaa Looga Baahan yahay Inay Si Mug iyo Miisaan Leh U Taageerto Sidii looga Yaqaanay Bulshada Caafimaadsan ee Berbera Xildhibaankaasi

FT IMG_1886 IMG_1899 IMG_1910 IMG_1923 IMG_1944 IMG_1959 IMG_1967 IMG_1973 IMG_1994 IMG_2009 IMG_2026 IMG_2029 IMG_2030 IMG_2031 IMG_2032 IMG_2033 IMG_2034 IMG_2037 IMG_2044 IMG_2062 IMG_2065 IMG_2068

 

MukhtIMG_2022

berbera2002@gmail.com
..

COMMENTS
Latest News