Wixii Ka Danbeeya 26june Hadii Doorasho Dhici Waydo,Dawlad Wadaag ah La Dhisi Waayo ,Waa Beel Beelo Haysata Somaliland.

0
31

Hargaysa (Saxil News.com)-

Sida uu sheegaya dastuurka dalku,doorasho kasta oo dalka ka qabsoomasa waxa masuul ka ah,dawlada markaasi jirta,oo hadii ay wakhtigii loogu dalo galay qabato,way ku mahadsan tahay,hadii ay ku qaban waydana waxay ku fashilantay xilkii loo doortay ee qabashada doorashadu ka mid ahayn.

Hadaba iyadoo doorashadii madaxtooyada iyo wakiilada mudo koobani ka hadhsan tahay,ayaa waxa muuqata in xukuumada u hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo ay dabada hayso(iyadoo hore soomaalidu arintan oo kale uga maah maahday oo tidhi RUQE NINKII LAHAA DABADA HAYO MA KACO,ayaa waxa si cad u muuqata in madaxtooyadu doonayso in wakhtiga loo kordhiyo,iyadoo danaysanysa inay sii xunto hantida umadda ,ee ay mudadii ay hayeenba ay boobeen.

Somaliland oo guud ahaanba beelaha wada dagaa ay ku heshiiyeen dastuurka iyo xeerarka dalka ee la dhigtay in lagu dhaqmo ,ayaa waxayn noqonaysaa hadii xukuumada siilaanyo doorashada qaban waydo,waxa cad in ay noqonayso in dalkii isku bedelay nidaam kaligii taliye ah,oo aan beeluhu ku heshiin,marka waxay u eeganaysaa in beelihii kale eek u wada noolaa Somaliland meel kaliyihi xunkii ku dhegto,oo xajisato xunka,taasina waxay tahay beel meelihii kale ee Somaliland oo dhan haysata,waana wax ka hor imanaya heshiiska beelaha walaalaha ah,ee reer Somaliland ka dhaxeeya.

Xukuumada siilaanyo oo marka horeba astaan u noqotay boobka hantida umadda,qabayalada,eexda,musuq maasuqa dalka ragaadiyey,hadii ay ku darsato mudo kordhin sharci daro ah,waxay hali gelinaysaa nabadgalyada dalka iyo jiritaanka Somaliland,markaa shacabka reer Somaliland waa inay ka tashadaan hadii xukuumadda siilaanyo doorashada wakhtigeedii ku qaban waydo,waana in la taageeraa mawqifka labada xisbi mucaarad iyo madasha wada tashiga ee ah,in wadlad wadaag ah,oo dalka gaadhsiisa doorasho la sameeyo.

Qore: Pro: Maxamed C/kariim Ibraahim

Email:promaxamed@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here