Weftiga Somaliland Uga Qayb-galaya Wada Hadallada Soomaaliya Oo Maanta Diyaarad Turkigu U Soo Diray Ka Qaadeyso Hargeysa Iyo Ajandahooda Shirka ISTANBUL

0
29

Hargaysa (Saxil News.com)-Weji kale oo ka mid ah Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan ka furmaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.

Weftiga dawladda Somaliland uga qayb-galaya wada hadallada Soomaaliya ayaa Jimcaha maanta ah madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ay ka qaadeysaa diyaarad khaas ah oo dawladda Turkigu u soo dirtay, taasi oo geyn doonta Magaalada Jabuuti oo ay Sabtida ka sii dhoofayaan.

 

www

 

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Wargeyska Somalilandtoday la xidhiidhay Xalay si aanu u waydiinno waxa ka jira wararka sheegaya in Wada hadallada dib loo dhigay, maadaama oo qorshuhu ahaa inay Khamiistii shalay furmaan, ayaa ku jawaabay “Ilaa Hadda Dawladda Turkigu noomay sheegin wax baaqday, waxayna noo soo dirtay diyaarad gaar ah oo weftiga ka qaadeysa Hargeysa…waxaanu weftigu ka sii ambo-baxayaa Jabuuti Maalinta Sabtida…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay Axadda toddobaadka dambe ka furmayaan Istanbul “Halkan Waxaanu ka dhoofaynaa berri (Maanta) guddidayadii wadahadallada, Sabtida safar baanu sii nahay, Kowda bisha oo Axad ahna shirku wuxuu ka furmayaa Istnabul”

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in aanay waxba iska beddelin qorshihii ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan arrimaha khuseeya Masiirka ummadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here