Saxilnews.com
MADAXWEYNE KALA DOORO KOOXDA DUFAN JECESHA AH EE GOLAHAAGA IYO BULSHADA JSL EE SAMAHA & HORUMARKA JECEL
February 27, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Bilaahi calayk madaxweyne inaad dekada berbera ka xishooto ayay ahayd mar hadaad intii kaleba ku wareejisay ganacsato beeshaada ah

Waxaan shaki ku jirin shirqoolka dhagaraysan ee aad kooxda wasiirada xukumada sl ka tirsan ku wadaan kuna doonayaan in dekadda caalamiga ah ee berbera ay ku wareejiyaan shirkado shisheeye ay sheerku yeelan doonaan inuu noqon doono hal bacaad laga lisey

Waxa kaloon muran ku jirin in hadii uu madaxweyne axmed siilaanyo arintaa ka yeelo oo u adeegistii danta guud ee loo doortay ka doorbido raali gelinta inamada yaryar ee golihiisa wasiirada ku jira iyo inuu ganacsato beeshiisa ah sheer ka siiyo shirkadaha dekadda berbera lagu wareejinayo inuu ka dhaxli doono taariikh xumo iyo cawaaqib xumo siyaasadadeed oo abid raad xun ku yeelata ubadkiisa iyo magac xumo waxa kaloon la hilmaami Karin haddii uu madaxweyne axmed siilaanyo oo marka hore loo tirinayey inuu kalsooni badan iyo isku halayn badan ka qabay beesha uu xaaskiisu ka soo jeedo iyo degaanka saaxil berbera uu arinta dekadaa berbera si qaldan ku wareejiyo ayaa la filayaa inu waayi doono kalsooni badan iyo codka saaxil iyo SLba dhinaca kale iyadoo madaxweyne axmed siilaanyo uu hore ugu sexeexay ganacsade Dahabshiil dhismaha warshadii shamiitada indeero gurob-na maxsharka labaad ee berbera ay hormood ka yihiin rag beesha madaxweyne kazoo jeeda wakaaladii biyaha berbera lagu wereejinayo ganacsato ay hormood ka yihiin beeshiisu isla markaan ifaamihii kaydka shidaalka qaranka ee berberana loo diyaariyry shirkada HAS oo uu sheerka ugu badan iska leeyahay Dhiigshiil Shirkada al xarbi oo labaduba beesha madaxweynaha .

Wakhtigan xaadirka ahna la leeyahay ana kaga warqabo inshirkadan dekada berbera lagu wareejinayo ay sheerka ugu badan iska leeyihiin ganacasatada beesha madaxweyne ka soo jeedo u dhalatay xaaladu miyaanay noqonayn tixdii ku jirtay suugaanta alle ha u naxariistee maxamed xaashi dhamac “ Gaariye “ ee saxsanso ee “inantaan sitiinki ka furay saaxirka iyo tuuga dumaasheeda waa u sinayn anigiyo suul –cayne markii aan siqsiqi waayey ayaa anigiyo keenoo la I sudhay sucu dibiga shega weynow markaad seexatuu dhalay “

Si kastaba ha ahaatee iyadoo reer berbera marka horeba dareen ka qabeen xukumada kulmiye ka hor intii aanay guulaysan doorashadii inta badanina waxqabadka iyo horumarka dib u dhiska berbera iyo dekada ku ilaaween ayay arimahan is wada barkan ee 2dii sano ee uu danbeeyey la soo dersey reer berbera waxay xasuusinaysaa weedho tiro badan ooo rag xisbiga kulmiye ka tirsanaa dolihii ku hadaaqi jireen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in dekada berbera la qaramayn doono!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Suaasha manta bulshadu is weydiinaysa waxay tahay yaa laga qaramaynayey ma beel kaliyaa ayaa haysatay ama ka shaqaynaysey ????
jawaabteeda oo noqonaysa maya ee waxay ahayd goobtii ugu horeysey JSL la qarameyey ee waliba dhaqaalaha ugu badan ee Jsl lagu maamulaa ka soo xeroodo 24kii sano ee la soo dhaafay

Waxaan ka hawlgala oo ka xoogsaday qaar muruqoda ku dhisay kana qayb qaatay dhismihii ugu horeeyey ee 1965 kuu ruushku dhisay ilaa ka manta ka socda ee iskaa wax u qabsada ah oo ka so kala jeeda guud ahaan beelaha ku abtirsada jsl  Sool , Salal kuwaas oo xamaalista ay ka qaataan si toos ah iyo si dadbanba u gaadho deegaamada ay ka soo kala jeedaan waxaana ku soo gabgabaynayaa madaxweyne ma inta muwaadiniinta intaa leeg meesha laga saaro iyo bulshada ku nool ayay sheer ka qadan doonaan kooxdan wasiirada ah ee dufan jecesha ahi ha ugu horeeyoWasiirka Madaxdooyada Xirsi , Gudoomiha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi , iyo Wasiirka qorshayna Oo Dabada kuwatada Dahabshiil !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Jawaabtu waa maya maya maya maya maya

Madaxweyne siyaad barre ayaa ka xishooday inuu warshada shamiitada ee berbera inaadeerkii sheerka siiyo hada waa kii ugu dhawaa eek u adeegan jiray !!!!!!! madaxweyne waxaa kula gudboon inaad kala doorato kooxda dufan jecesha ee golahaafa iyo dareenka bulshada s lee horumarka jecel ee codkooda kugu doortay

 

Qoraa Maxamed Ismaaciil Cumar “Maxamed Biid “

Marna Shabakada Wararka QodaalNews Kama Masuul Aha Aragtiyaha Dadku Soo Gudbiyaan Kaliyaata Waanu Uu Fulinaa Arigtiyahooda

 Kala soco waxii cusub shabakada Wararka Ee SAXILNEWS.COM  waxii afkaarana ugu so hagaaji : berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News