WEFTI KA SOCDA WADAMADA INGIRIISKA IYO SWEDEN OO HARGEYSA SOO GAADHAY IYO MARWO EDNA OO SOO BANDHIGTAY UJEEDADA AY U SOCDAAN

0
21

Hargeysa(saxilnews.com):-Wefti balaadhan oo ka socda wadamada Ingiriiska Iyo Sweden ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa.

Weftigan ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhawaysay ergayga somaliland u qaabilsan wadda haddalada soomaaliya Marwo Edna Aadan iyo masuuliyiin ka socotay wasaarada arimaha dibada somaliland.

Marwo Edna Aadan ayaa warbaahinta uga warantay ujeedada ay u socdaan weftigani, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Doorashooyinkii ka dib waa markii ugu horaysay ee weftigani ay yimaadaan somaliland, dawlad cusub ayaa dhalatay, nidaam cusub ayaa jira, dardar cusub ayaana wadanka ka socota, inay xidhiidh la sameeyaan wasaarada arimaha dibada iyo xukuumada cusub ayey u yimaadeen iyo sidii loo dardar gelin lahaa horu
marka iyo heshiiska dalka Ingiriiska iyo shakhsiyaadka danaynaya somaliland ee u dhashay wadanka Ingiriiska ee danaynaya inay wax la qabtaan somaliland.”

Marwo Edna Aadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka warantay xidhiidhka ay weftigani la leeyihiin somaliland iyo hawlaha ay kala shaqayso waxaanu yidhi “Anigu dhawr meelood ayaan weftigan ka soo galaa, saaxiibtinimo dheer ayaa naga dhaxaysay sanado badan iyo  waxyaabo badan oo ay cusbitaalka u soo qaadaan, haday tahay cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay bari dhawayd u keeneen koontiidhar weyn oo sadex meelood loo qaybiyey oo  ay alaab ugu soo rideen, haday noqoto cusbitaalka Berbera iyo haday noqoto cusbitaalka Sheekh, waxyaabaha caruurta lagu ciyaarsiiyo, buugaagta ardayda wax looga dhigo ama qalab cusbitaal ayey noo sidaan, aad ayaanan ugu soo dhawaynayaa somaliland waana dadka asxaabta ah ee ay somaliland mudada dheer leedahay, aniga oo dareemaya inay kalgacal dheeraad ah u hayaan wadankeena somaliland, waanan ku faraxsanahay in wadankaygii oo nabad ah oo qurux badan ay martideenu timaado oo ay kolba dalka ku soo noqnoqdaan,

Marwo Edna Aadan ayaan meesha ka saarin kulamo dhex mari doona weftigan iyo madaxda dalka waxaanay tidhi “Wadda haddal iyo wixii ay dawlada la yeeshaan markeeda iyo meesheeda ayey noqon doontaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here