“WAXA CEEB WEYN AH IN XILDHIBAANADII DEEGAANKA LAGA SOO DOORTAY EE KUJIRAY GOLAYAASHA DEEGAANKA IYO WAKIILADU AY MAGAALADOODII DILAALIS KA QAATAAN”XILDHIBAAN MAXAMED CALI DHEERE. DAAWO MUUQAL

0
23

Berbera (Saxilnews.com)-Xildhibaanka Ugu Da,da yar ee katirsan golaha deegaanka Degmada Berbera Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed(Maxamed Cali Dheere)oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dhaliil iyo cambaareyn usoo jeediyay Maamulka dawlada hoose ee Berbera iyo Xildhibaano ka kala Tirsan Golaha deegaanka degmada Berbera iyo golaha wakiilada oo shuraako ku ahaa mashruuc dhawaan fadeexadi ka dhalatay oo ku saabsanaa ama lagu sheegay dhireyn lagu sameyn doono gudaha magaalada Berbera. mashruucaas oo marka koowaad lasheegay in lasiiyay Mudane ka tirsan golaha wakiilada oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama)oo ah Gudoomiyaha gudida dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada, sidoo kale waxa mashruucaas ku kala qeybsamay Xildhibaanada golaha deegaanka oo qaarkood dilaaliin ka ahaayeen iyo kuwa aan iyagu warkiisaba haynee faashilka mashruucaas ku war helay habeen hore kadib markii jeeg mashruucaas horaantiisii ahaa oo ay ku qorantahay (300.000.000)sadex boqol oo milyan oo shilin somaliland ahi sife khalad lagu sheegay uga baxay xafiiska Xisaabadka Maamulka dawlada Hoose, arinkaas oo sahayday xisaabiyihii maamulka dawlada Hoose oo mayarka degmada Berbera xilkii ka qaaday shaqadiina ka eryay sida la sheegayo.

mashruucan uu xildhibaan Maxamed Cali dheere ka hadlay ayuu sheegay in maaliyada lacageed ee lagu bixiyay tahay lacag dhan(280.000$)laba boqol iyo sideetan kun oo dollarka mareykanka ah.

waxaanu Xildhibaan Maxamed Cali Dheere sheegay in mashruuca intaas leeg aan laga bixin karin Dawladaha hoose ee dalka siyaasada Maamulada dawlada hoose iyo Miisaaniyadoodana aanay meelna kaga oolin.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Maxamed hassan aadan

WWW.saxilnews.com

head office berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here