Wax fikrad ah kama haysanin taariikhdiisii mugdiga ahayd ‘

0
31

Silvia Foti

Silvia Foti weliged lama aysan kulmin awowgeed.

Dad badan oo reer Lithuania ah ayaa aamminsan in Jonas Noreika uu yahay halyay dagaal adag la galay ciidammadii Soviet-ka ee Dagaalkii Labaad ee Dunida kahor inta aysan dhalanin Silvia.

Wuxuu ahaa hogaamiye maleeshiyad, barasab iyo qof siyaasad u dhaqdhaqaaqa.

Wax fikrad ah kama haynin taariikhdiisii mugdiga ahayd ‘

Muddo tobanaan sano ah, Silvia, oo hadda ah qoraa, islamarkaana ku nool magaalada Chicago, waxay maqli jirtay geesinimada awoowgeed iyo sida uu qarankiisa u difaacayay.

Carrurnimadeeda waxay ku soo kortay Maraykanka, waxayna aad ugu faani jirtay dalkeeda iyo shaqada awogeed.

Hooyaded iyo ayeyaded ayaa ku wargeliyay in awowged la dilay isagoo kasoo horjeeda duulaankii Sofiyeet-ka kusoo qaaday Lithuania ee 1947-dii.,

Iskuula iyo waddooyin badan oo Lithuania ku yaala ayaa loogu magac daray awoowged. Sidoo kale waxaa la sameeyay taalooyin badan oo magaciisa lagu xusaya.

Balse nin maamulo ka ah iskuul awowged loogu magac daray ayaa Silvia ku wargeliyay ”awowg waxaa lagu eedeyay in uu laayay yahuud”.

“Aad ayaan u naxay markuu ii sheegay, waa markii ugu horeysay ee aan arrinkaasi maqlo,” ayay sheegtay silvia

Jonas Noreika

XIGASHADA SAWIRKA,SILVIAFOTI.COM

Qoraalka sawirka,Silvia waxay sheegaysa in awowged Noreika uu amar ku bixiyay dilka dad badan oo yahuud ah

Silvia da’deedu waxay ahayd 38 sano jir xiligaas.” Geerida hooyaday iyo ayeyday muddo kooban ayaa u kala dhexeysay.

”Waxaan moodayay in aan taarikh wanaagsan ka qori doono awowgay, balse isma lahayn waxaad la kulmi doontaa taarikhdiisa madow,”. Silvia ayaa sidaasi u sheegtay barnaamijka Talefishanka BBC-da ee HardTalka.

”Waxaan ku firkirayay in aan wax ka qori doono nin dagaalkii labaad ee dunida halyay ka noqday oo shuuciyiinta la dagaalamay”.

Iyadoo ka naxday wixii ay ka maqashay iskuulka, isla markaana u qaadatay inay ahayd “dacaayad shuuci ah ,” waxay sheegtay inay toban sano diidanayd inay aqabasho in awoowahed uu dad badan laayay.

‘Dil ballaaran oo loo geystay dadka Yuhuudda ah’

 

“Waxaan 10 sano ku qaatay oo aan baaritan ku sameynayay buugaagta iyo macluumaadka ku saabsan awowgay,” ayay tidhi Silvia

Xilligaas waxay heshay dokumenti ka kooban 30 bog oo uu awoowe u qoray 1933-kii markaas oo uu jiray 22 sano. Waxay tiri waxaa ku badnaa fikradaha Yuhuud naceybka, oo ay ka mid tahay sababta dadka Lithuanians-ka ay u “qaadacayaan” Yuhuudda.

Dukumiintiyo kale oo ay heshay ayaa sidoo kale xaqiijiyay Noreika inuu ahaa qof jecel Adolf Hitler iyo Mussolini.

Laakiin waxaa ugasii naxdin badnayd markii ay heshay cadeymo aad u tiro badan oo muujinaya in awoowgeed uu ku lug lahaa dil wadareed loo geystay dadka Yuhuuda ah, inkasta oo ay awoodi wayday inay hesho cadeyn inuu isagu dadka laayay

qaraabada dadkii Lithuania lagu dilay oo qabuurada

XIGASHADA SAWIRKA,GRANT GOCHIN

Qoraalka sawirka,qaraabada dadkii Lithuania lagu dilay oo qabuurada

Boqolkiiba 95% yahuuda Lithuania waxaa la layay xiliigi taliskii Nazi ee Lithuania

Maanta, iyada oo ay weheliyaan qaar ka mid ah bulshada Yuhuudda Lithuania iyo faracooda dibedda, Silvia waxay olole ugu jirtaa sidii ay uga saari lahayd magaca awowgeeda liiska halyeeyada qaran ee Lithuania.

Dadka u doodaya Noreika waxay sheegayaan in uu “difaacayay qaranka”, xilli dalka Lithuania ay u hanjabeen Naziyiinta iyo Ruushka labaduba.

Sawiro qabriyada dadkii lagu dilay Lithuania

XIGASHADA SAWIRKA,GRANT GOCHIN

Qoraalka sawirka,Sawiro qabriyada dadkii lagu dilay Lithuania

Silvia waxay sheegtay in awowgeed uu faray Yuhuuda in laga sifeeyo guryahooda, kuna qasbay inay qaxaan isla markaana ay soo bandhigtay cadeymo xoog badan oo muujinaya inuu kormeeray dil wadareed ee ku dhowaad 2000 oo Yuhuud ah.

Caddaynta ugu xoogan ee eedeynta waxay ahayd xusuus qoraal ee uu qoray xoghayaha Noreika isagoo leh Noreika waxaa uu bixiyay amarka lagu laayo 2000 ee Yuhuuda.

” Wuxuu goob joog u ahaa waxa dhacay” ayay tiri Silvia

Nazi's Granddaughter

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here