Saxilnews.com
Nukliyeerka Caalamka: Hubka ay heysato Pakistaan oo ka badan midka Hindiya
June 23, 2021 - Written by Baas Rashiid
.

Warbixin ay soo saareen khuburro ka tirsan macadka caalamiga ah ee qaabilsan cilmibaarista arrimaha nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm, ayaa lagu sheegay inuu kordhay hubka Nukliyeerka ee dalalka qaar ee adduunka ay haystaan.

Waxaan waddamadaas ka mid ah Shiinaha, Hindiya iyo Pakistaan.

Shiinaha wuxuu sameystay 30 xabbo oo dheeraad ah oo hubka nukliyeerka, marka loo barbardhigo sannadkii la soo dhaafay. Tirada guud ee hadda uu haystana waa 350 oo xabbo oo hubka nukliyeerka ah.

Halka Pakistaan ay sameysatay 5 xabbo oo cusub oo hubka nukliyeer ah, tirada guudna waxay u noqoneysaa 165 xabo hub nukliyeer ah.

Hindiya waxay sameysatay 6 xabbo oo dheeraad ah, guud ahaanna hubka nukliyeerka Hindiya wuxuu haatan garayaa 156 xabbo, sida lagu sheegay warbixinta SIPRI.

Imisa waddan ayaa heystaan hubka nuclear-ka, meeqa xabo ayaa se taalla adduunka?

Gantaal ay ridday Kuuriyada Waqooyi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka.

Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara caalamka.

Qaraxyadiisa aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nukliyeer ahna, waxay baabi’in kartaa magaalo dhan.

Qumbuladaha nukliyeerka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan ahayn nukliyeer.

Waxaa jiro waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaas oo aan loo oggoleyn in ay yeeshaan awoodda hubka nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan.

Waxaa laga yaabaa in aad su’aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nukliyeerka – laakiin ha walwalin, waxaan halkan kugu soo gudbineynaa jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su’aalahaas ku saabsan nukliyeerka.

Muxuu yahay hubka nukliyeerka?

Waa waxyaabo qarxa oo si xad-dhaaf ah u awood badan.

Waxaa laga yaabaa in aad xasuusatid erayada “atoms” iyo “isotopes”, haddii aad soo dhigatay maadada seyniska – kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nukliyeerka ah.

Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan maadada atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya. Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero “atomic bomb”.

Hiroshima ka dib markii lagu dhuftay atomic bomb

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Mareykanka ayaa tomic bomb ku riday magaalada Hiroshima ee dalka Japan, 6-dii bishii August ee sanadkii 1945-kii

Hubka nukliyeerka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah – waana mid sababi kara waxyeello badan – sidaas darteedna, saameynta waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.

Balse labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida – waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sannadkii 1945, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo aan la qiyaasi karin.

Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima, wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof.

Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, nukliyeerka wali looma adeegsanin dagaal kale.

Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nukliyeerka. Waxay kala yihiin: Mareykanka, Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Kuuriyada Waqooyi.

.

Yaa sameyn kara hubkan?

Markii sida guud loo eego, jawaabta waxay tahay inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon u leh arrimaha seyniska iyo kiimistariga, oo farsamada yaqaanna, qalabkana lagu sameeyana heli kara.

Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su’aashaas waxay qaadaneysaa wakhti dheer, waana sheeko adag.

Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka nukliyeerka, oo loo soo gaabiyo (NPT) – kaas oo ah heshiis looga golleeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Daruuro qiiq iyo holac ah oo ka dhashay bambo nuclear ah oo la qarxiyay

Tan iyo 1970-kii, illaa 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Britain, Faransiiska iyo Shiinaha, ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga hubka nukliyeerka.

Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nukliyeerka – waana loo oggol yahay in ay heystaan hubkaas, sababtoo ah, waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin; 1-dii bishii January ee sannadkii 1967.

Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nukliyeerka ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa in ay yareeyaan xaddigiisa ay kordhinayaan, loomana oggola inay waligood iska heystaan.

Israa’iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin in ay heysato nukliyeer), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama ahan heshiiskaas, mana aysan saxiixin.

Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sannadkii 2003.

Marka xaggey Iiraan ku jirtaa?

Iiraan waxay barnaamijkeeda nukliyeerka billowday 1950-meeyadii, mar kastana waxay ku adkeysaneysay in tamarta nukliyeerka ay sameysaneyso ay tahay mid nabad ah.

Laakiin waxaa jiray shaki laga qabay in ay si qarsoodi ah u sameysaneyso hubka nuclear-ka. Arrintaas waxay keentay in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateyno ku soo rogaan, sannadkii 2010-kii.

Tani waxay keentay in sannadkii 2015-kii ay heshiis galaan Iiraan iyo waddamada kale ee quwadaha waaweyn, kaas oo ay Iiraan ku saxiixday heshiis dhigaya in ay baabi’iso warshadeheeda bacriminta nukliyeerka, si cunaqabateynta looga qaado.

Laakiin Madaxweynaha Mareyaknka Donald Trump ayaa heshiiskaas cagta ku dhuftay, bishii May ee sannadkii 2018.

Madaxweyne Hassan Rouhani

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa horay u sheegay in Iiraan aysan damacsaneyn sameysashada hubka nuclear-ka

Hadda waxay dalalka reer Yurub, Iiraan loollan ku galinayaan in aysan u hoggaansamin qodobbadii heshiiska.

Sidoo kale, markii ay sannadkan cirka isku shareereen xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in Iiraan aan loo oggolaan doonin in ay yeelato hubka nukliyeerka inta uu isaga madaxweyne yahay.

Ka dib markii ay caro ka dhalatay dilkii Mareykanka uu magaalada Baqdaad ugu geystay janaraalkii reer Iiraan ee Qasem Soleimani, Iiraan waxay sheegtay in aysan usii hoggaansami doonin xaddidaadii qeybta ka ahayd heshiiska.

Waligeen ma arki doonnaa duni xor ka ah hubka nukliyeerka?

Sida kor ku xusan, waxaa mustaqbalka la damacsan yahay in hubka nuclear-ka laga baabi’iyo guud ahaan dunida.

Run ahaantii, tirada bambooyinka nuclearka ee dunida taallay waxay hoos uga dhacday 70,000, oo ay ahaayeen sanadkii 1986-kii, maantana waa 14,000 oo bambo.

Mareyknaka, Britain iyo Ruushka waxay dhammaantood hoos usii dhigayeen xaddiga ay hubkaas ka heystaan, laakiin waxaa la aaminsan yahay in Shiinaha, Pakistan, Hindiya iyo Kuuriyada Waqooyi, ay sameysanayeen bambooyin dheeraad ah, sida uu sheegay ururka seynisyahannada Mareykanka.

Kim Jong-un

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, In Kuuriyada Waqooyi ay heysato gantaallo gaari kara Mareykanka

Bishii July ee sannadkii 2017-kii, waxay u muuqatay in dunida ay hal tallaabo u qaadday sidii looga xoroobi lahaa hubka nukliyeerka, ka dib markii ay in ka badan 100 waddan saxiixeen qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo dhigayay in si wada jir ah loo baabi’iyo hubkaas, loona mamnuuco.

Laakiin dalalka ku hubeysan nukliyeerka ee kala ah Mareykanka, Britain, Faransiiska iyo Ruushka, ayaa hor joogsaday hirgalinta qaraarkaas.

Britain iyo Mareykanka waxay sheegeen in qaraarkaas uusan dammaanad qaadi karin amniga dunida, maadaama nuclear-ka uu udub dhexaad u ahaa ilaalinta nabadgelyada caalamka, muddo ka badan 70 sano.

Halka dalalka Mareykanka iyo Britain ay yareynayaan bambooyinka ku jira bakhaarradooda hubka nukliyeerka, haddana khubaro ayaa sheegaysa in ay sii xoojinayaan awoodda bambooyinkaas ay leeyihiin.

Britain ayaa sii casriyeynaysa nidaamkiisa hubka nuclear-ka, Mareykankana waxaa laga yaabaa inuu lacag dhan $1 trillion (£703bn), u adeegsado sidii uu u kordhin lahaa awoodda nukliyeerka, ilaa sannadka 2040-ka.

Kuuriyada Waqooyina waxay sii waddaa tijaabinta iyo hormarinta barnaamijkeeda nuclear-ka, iyadoo gantaallo tijaabisay dhowaanahan.

Sidaas awgeed, inkastoo dunida ay kusii yaraanayaan tirada bambooyinka nukliyeerka, marka loo eego 30 sano ka hor, uma muuqato in mar dhow laga xoroobi doono hubkaas ama si buuxda loo baabi’in doono.

COMMENTS
Latest News