Hargaysa(saxilnews.com)Wasiirka Wasaarada Maaliyadda somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa Maanta Qadar Lacageed Oo Dhan laba Milyan Oo Dollar ku wareejiyay gudida Doorashooyinka Somaliland kaas oo loogu tallo galay in lagu qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada Ee Dhawaan Laga Qaban Doono waddanka. Wasiirka Maaliyadda ayaa lacagtan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka somaliland waxaana uu sheegay in ay lacagtani tahay balan qaadkii madaxwaynaha ee ahaa in doorashooyinka sidii deg deg loogu qaban lahaa ay bixiyaan wixii kharash ku soo hagaaga. “Aniga oo ku hadlaya Afka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda somaliland oo marar badan balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda in ay qabsoonto doorashadda golaha wakiilada iyo
Guddoomiyaha Gudid Doorashooyinka somaliland cabdi qaadir iimaan warsame ayaa lacagta isagu ka guddoomiyaha wasiirka maaliyadda somaliland,waxaana lacagtaasi loogu tallo galay qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada somaliland oo qabsoomi doona sanadka 2019ka bisheeda saddexaad. |