Saxilnews.com
WASIIRKA MAALIYADDA OO LABA MILYAN OO DOLLAR KU WAREEJIYAY GUDIDA DOORASHOOYINKA SOMALILAND
May 10, 2018 - Written by editor

Hargaysa(saxilnews.com)Wasiirka Wasaarada Maaliyadda somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa Maanta Qadar Lacageed Oo Dhan laba Milyan Oo Dollar ku wareejiyay gudida Doorashooyinka Somaliland kaas oo loogu tallo galay in lagu qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada Ee Dhawaan Laga Qaban Doono waddanka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa lacagtan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka somaliland waxaana uu sheegay in ay lacagtani tahay balan qaadkii madaxwaynaha ee ahaa in doorashooyinka sidii deg deg loogu qaban lahaa ay bixiyaan wixii kharash ku soo hagaaga.

“Aniga oo ku hadlaya Afka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda somaliland oo marar badan balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda in ay qabsoonto doorashadda golaha wakiilada iyo


golayaasha deegaanku,waxaanu maanta halkan ka fulinaynaa balan qaadkii qabtii hore,waxanan maanta halkan ku bixinayaa qaybtii somaliland kaga soo hagaagta qabsoomida doorashadda,lacagta anaga hadda niga diyaar ahi waa boqolkiiba afar iyo afartan oo u dhiganta laba milyan oo dollar taas oo maanta si rasmi ah aan ugu wareejinayo guddoomiyaha gudida doorashooyinka.
Intaas waxa uu ku daray wasiirka maaliyadu isaga oo hadalkiisa siiwata.”lacagta aanu kaga qayb qaadanayno waxa weeyaan afar milyan iyo shan boqol oo dollar hadda waxaanu bixinaya laba milyan oo dollar,Waxaana nagu hadhay laba milyan iyo shan boqol oo dollar.

Guddoomiyaha Gudid Doorashooyinka somaliland cabdi qaadir iimaan warsame ayaa lacagta isagu ka guddoomiyaha wasiirka maaliyadda somaliland,waxaana lacagtaasi loogu tallo galay qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada somaliland oo qabsoomi doona sanadka 2019ka bisheeda saddexaad.

COMMENTS
Latest News