Ma jiro war rasmi ah oo labada wasiir ay ka soo saareen kulanka ay yeesheen lakiin warar xog ogaal ah oo Wargeyska Geeska Africa helaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wada hadalada laba wasiir ee Somaliland iyo Somaliya ay fududeysay hay’adda dhex dhexaadisa khilaafyada Siyaasadeed ee caalamka CHD oo xarunteedu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland , waxaana labada wasiir dhex fadhiyey Dr . Maxamed Cabdilaahi Cumar wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland oo madax ka ah qeybta Africa ee Haaya’addan CHD .
Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan wasiirka ka socdey dalka Somaliya ayaa soo bandhigay inaanay weli dawlada Somaliya si rasmi ah ugu suurto galin in ay laso wareegto hawda maadama oo Haay’adda ICOA ay shuruud ku xidhay ah in marka hore ay ogolaato Somaliland sidaasna ICOA loola tago heshiis la isku raacsan yahay .
Wasiirka ka socdey Somaliland ayaa isna la sheegay in uu soo bandhigay heshiisyadii hore Somaliland iyo Somaliya ugu gaadheen dalka Turkiga ee nuxurkoodu ahaa sida ugu haboon ee wada jir loogu maamuli karo hawda, waxaanu ku adkaystay in maamulka Hawda gacanta ku hayso ICAO ilaa la gaadhaayo heshiis lo dhan yahay .
Gunaanadkii sida uu warku sheegay waxay Somaliland iyo Somaliya ku balameen in la isku tago shir balaadhan oo ICOA goob joog ka tahay , lana gaado heshiis farsamo oo hor dhac ah kulanka danbana waxaa loo balamay bisha koowaad ee sanadka 2018 .
Wasiirka duulista iyo Hawada waxaa wehelinaayey oo la socdey agaasimaha duulimaadyada ee wasaaada Duulista iyo hawda Siciid Ileeye ( Saqiiro ) halka wasiirka duulista ee Somaliya uu wehelinaayey agaasimaha duulista ee wasaaradaasi Cismaan Maxamed
Source:- Geeska