Wasiir Ku Xigeenkii Qorsheynta Qaran Oo Iscasilay Iyo Sababta Iscasilaadiisa

0
24

Wasiir Ku Xigeenkii wasaarada qorsheynta Cabdikariin Axmed Mooge ayaa si rasmiya iskaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumada madaxwayne Siilaanyo.
Wasiir waxaa uu sheegay in uu madaxwayne Siilaanyo u gudbiyay warqada is casilaada isla markaana uu isku casilay inuu u madaxbanaanaado olole uu kula dagaalamayo qabyaalada,Isagoo u mahadnaq balaadhana u jeediyay wasiirka qorsheynta,Kaluumaysiga iyo dhamaan shaqaalihii ay ka dhaxeysay shaqadu.
Qoraal kooban oo wasiir ku xigeenka ku baaahiyay barta facebooga ayaa u dhignaa sidan:-
“Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.

Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.

Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland.

Maxamed Hasan Aadam (faradeero)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here