Saxilnews.com
Wixii Aad Qarsato Way ku Qurunsadaan – WAA SHEEKO NAXTIN BADAN ”’
August 11, 2015 - Written by admin

Wixii Aad Qarsato Way ku Qurunsadaan – WAA SHEEKO NAXTIN BADAN ”””’

Berbera(saxilnews.com) ; bismillahi,
Waxaan rabaa in aan maanta idin la wadaago sheeko naxtin badan oo aan la kulmay usbuucii hore, badanaa dhakhaatiirta waa dadka ug dhaw bulshada waxyaabo badan oo dadka kale aysan ka warqabi karin ayay la socdaan, sidaas awgeed waa muhiim in bulshada lagaga digo khatarta jirto.
Sheekooyin badan oo bulshada ka faa’idi karto way la kulmaan dhakhaatiirta maalin kasta, inkastoo aan la qabsannay waxyaabo badan oo caadi noo noqday laakiin waxaa haboon in bulshada lala wadaago iyadoo aan la xusin magacyada dadka ay khuseyso iyo meesha ay ka dhacday laakiin wacyi galin ahaan loo adeegsado si khatarta wacyi la’aanta ay bulshadu ay fahanto.
Waxaan isku dayi doonaa in sheekadaan aad ka kororsan doontaan faa’idada wacyi galinta, waxaana filayaa qof walba oo akhristo in uu ilaahay naftiisa iyo nafta ehelkiisaba uga cabsado iyo qaraabadiisa intaba.
Maalin subax barqo ah ayaa gaari ordaya keenay isbitaalka haween foolanaysa, ilaahay qadartii, haweentii si sahlan ayay ku dhashay oo way u fududaatay, islaantii waxay u ekayd qof aad u xanuunsan oo nafaqo darri hayso, aad ayay u qufacaysay oo ma aysan awoodin xitaa in ay dhowr tillaabo socoto, dhakhtarkii gacanta ku hayay howsheeda oo ahaa dhakhtar haweenka ku taqasusay wuxuu haweentii uga shakiyay in ay tiibisho / qaaxo qabto, wuxuu u diray baaritaanno oo ay ka mid tahay raajo feeraha ah (x-ray), raajadii wuxuu ku arkay astaamo tiibisho oo aan ahayn midda caadiga ah.
Takhtarkii xaaladda ayuu ii soo xawilay, baaritaano kadib gabadhii waxaa laga helay xanuunka AIDS-ka, maadaama gabadha ay aad u xanuusanayd oo isku dhex yaacsanayd oo aysan awoodin in su’aalaha ay fahanto ama marmarka qaar dadka aysan kala garanayn ayaa waxaan ku qasbanaaday in aan wareesto walaasheed oo isbitaalka keentay.
Gabadhii la dhalatay waxaan ka ogaaday in ay ka war qabto xaaladda walaasheed oo ayna ogaatay laba usbuuc ka hor kaliya, waxay iiga sheekaysay arrin dhaxtin badan, waxayna ii sheegtay in nin hore oo qabi jiray ay xanuunkaan ka qaaday, ninkaas oo xanuunka u dhintay dhowr sano ka hor, markuu dhimanaayay ayuu u sheegay in xanuunkaas uu qabo, kulana taliyay iyadane in ay is baarto ay muhiim tahay oo ay dhakhtar u tagto oo daawo raadsato maadaama isaga uusan daawo qaadanin.
Gabadhii isma baarin, daawane ma raadsanin, oo markii sadax bil ka soo wareegatay waxay guursatay nin ganacsade ah oo laba xaas leh oo caruur badan u joogaan, waxay is qabeen 3 sano oo waxay u dahshay laba cunug kale, horayne waxay u haysatay laba cunug oo ninkii hore oo dhintay u dhashay.
Odagii ganacsatada ahaa, wuxuu u kala gooshi jiray wadamo kale duwan isagoo safar ku maqan sadax bil ka hor ayuu ku xanuunsaday wadankaas, isbitaalka markii uu tagayne waxaa loo sheegay in AIDS laga helay, ninkii dib ayuu u fakaray wuxuu is yiri naagtii dambe oo aad guursatay oo xanuunsanayd amay cillada tahay, inta uusan soo bixin ayuu taleefan soo diray.
Wuxuuna islaantiisaan xanuunsan u sheegay inuu xanuunsan yahay uuna soo laaban rabo, hadduu soo laabtane uu ka baari doono xanuun uu kaga shakisan yahay, hadduu ka helane uu tii uu ku sameeyo la ogaan doono maadaama ay khiyaantay oo xitaa soo ogaaday in ninkeedii hore uusan shil ku dhiman sida ay u sheegtay oo uu xanuun la dhintay.
Islaantii xanuusanayd waxay isku dayday si kasto in ay wadanka ka cararto maadaama wadanka ay ku noolaayeen aysan cidaheeda joogin oo hadduu ninkaan uu soo laabto wuxuu rabo ku samayn karo, markii ay go’aansatay ayay u sheegtay walaasheed in ay lacag ticket ay ku goosato u soo raadiso si ay u safarto oo uga cararto wadankaan, ilmaheedane ay uga tagto maadaama heerka ay marayso ay is tiri ma sii noolaan doontid ee inta kuu hartay ehelkaaga ku dhex dhimo.
Gabadhii waxay tagtay Airoport-ka si ay u safarto, laakiin waa la soo celiyay maadaama ay xanuusanayd, bishii sagaalaadne ay ku jirtay oo aan la ogoleyn qof dhali raba inuu diyaarad raaco.
Sidaasne lagu keenay isbitaalka in ay ku dhasho.
Gabadhii la dhalatay oo ii sheekeynaysay waxaan weydiiyay: maxaa xal ah oo aad damacsan tihiniin hadda?
Waxay tiri: laba maalin ka dib waan dirayaa oo halkaan ma sii joogi karto, way fiicnaan lahayd in ay sii joogto oo ay daawo qaadato oo xanuunkeeda heerka uu gaarsiisan yahay iyo inuu wax ka qabasho leeyaahay la ogaado.
Waxaan kula taliyay in marnaba in ay safarto in aysan caafimaadkeeda dan ugu jirin, cunuga ay dhashayne aysan dan ugu jirin, sababtoo ah ilmaha noocaan oo kale ah daawo ayaa la siiyaa, naasne lama nuujiyo haddii loo arko in uu ka maarmi karo si uusan xanuunka uga qaadin hooyada hadduu uusan hadda ka qaadin.
Ciddii waxay go’aan sadeen in aysan wax baaritaano ah aysan samayn, wax daawane aysan raadsan oo ay safraan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Akhristow sheekadaan naxtinta badan leh waxaa laga faa’idayaa dhowr shay oo muhiim ah:
1- Marka hore xanuun kasta alle ayaa keeno isaga ayaana qaadi kara, siyaabo kala duwan ayuu qofka ugu dhici karaa, fikradda ah in xanuunkaan qofkii laga helo uu yahay qof xun oo gogol dhaaf sameeyay ama soo sineestay waa arrin qalad ah, waana sababta ugu horreysa oo qofka u keenayso inuu qarsado maadaama sumcadda uu ku dhex leeyahay bulshada in ay ka lunto uusan rabin.
2- Midda ku xigta waa in aad u baqdid noloshaada iyo nolosha caruurtaada oo aadan ka fakarin kaliya in aad si khiyaano ku jirto aad ku korisid oo umad aanan waxba galabsan aad dambi ka gashid taasoo in qofkaas ku cafiyo mooyee aad ku hoogi kartid.
3- Haddii aad aaminsan tahay in xanuunkaan usuan daawo lahayn ama hadduu kugu dhaco aadan rajo lahayn taasina wax jiro ma ahan oo sidii hore si ka duwan ayaa hadda loola tacaalaa xanuunkaan, waxaa jira daawooyin lagu xakameeyo xanuunka oo uu qofka noloshiisa caadiga ah ku wadan karo iyadoo difaaciisa uusan hoos u dhicin, wayna jiraan dad xanuunka qabo 10, 20 illaa 30 sano oo dadkooda ku dhex nool oo magaalada ka shaqeesto, aqoon darridaan waxay keentaa in aad caruurtaada iyo ehelkaaga aad waxyeellayso.
4- Midda kale waa isbaaris la’aanta iyo isguursiga aan laga fiirsanin, fikradda dadka qaar ay aaminsan yihiin in xanuunka uu soomaalida ku yar yahay ama uu u gooni yahay dadka gaalada ah waa mid qaldan, inta xanuunkaan qabto lama tirin karo, waxa keenay inuu sidaan xawliga ah ku faafane waa aqoon darrida jirto iyo taxaddar la’aanta.
5- Ceeb ma ahan in la is baaro marka la is guursanayo, in aad ka hortagtaa wixii naftaada dhib u geysan karo oo aad xaasaskaaga iyo caruurtaada aad baadbaadiso waa waajib ilaahay dusha kaa saaray, haddii aadan taxaddarin oo xanuun u keentid qoyskaaga ilaahay wuu kuu qabsanayaa, haddii ay aqoon darri kaa tahay waa gooni, laakiin haddii ay kaa tahay taxaddar la’aan iyo fududeysi waa dhibaato aad u wayn.
Bal ka fakar qaladka uu galay ninkii gabadha ka dhintay ee hore iyo iyadaba qaladka ay gashay iyo waxa qof uu dhibaato gaarsiiyay iyo inta qof ay noloshooda saameeyeen.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa, ilaahay halaga cabsado, naftaada u cabso, xaaskaaga u cabso, caruurtaada u cabso, haddaa xanuunsatid daawo raadso, midda kale xanuunkaan waa xanuun daawo lagu xakamayn karo, badanaa daawooyinkiisa bilaash ayaa lagu bixiyaa, waxaadna heli kartaa adigoo qofna ku ogaan ayaad is daawayn kartaa haddii aad ku nooshahay meel aad daawo ka heli kartid.
Midda kale haddii aad xaas leedahay ama caruur leedahay talooyin iyo tusaalooyin badan ayaa lagu siin karaa qaabka aad ku wada noolaan kartaan iyo sida aad isku ilaalin kartaan intaba.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka HIV/AIDS Waxa uu yahay, Astaamihiisa, Sida lagu kala qaado iyo Sida loo baaro intaba?:

By Mahamed Hassan Aadam(Faradeero)
saxilnews.com
saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News