Waxaana naloo sheegay in shaqaaluhu ay ku gacan saydheen codsiyo ay wasiiradu ula yimaadeen, waxaana ay wasiiradu waji gabax kala kulmeen shaqaalahaasi muruq maalka ah ee ka shaqeeya dekeda berebera.
Kulankan oo sida naloo sheegay saacado kooban qaatay ayaa waxa ay shaqaaluhu waftigani wasiirada ah horkeeneen shuruudo ay kamid tahay in ay keenaan waraaqo ay kasoo sexeexeen shirkada la wareegaysa dekeda oo ku cad inay shaqaaluhu joogayaan waxaan halkaasi ka dhashay buuq waa sida ay noo sheegeen ilo ka agdhawan shirkani.
Kulankan ayaa la sheegay inay wasiirada maaliyada Somaliland ay sheegtay inay iyadu masuul ka noqonayso in ay shaqaaluhu joogaan balse shaqaalaha ayaa hadana wasiiraddda ku xidhan inay keento waraaq garantiin ah oo ay ku cadaynayso inay sii joogayso xukumadda danbe ee dalka madaama shirkadan lagu wareejiyay dekeda muddo 30 sanadood ah.
Ugu danbeyntiina waxa nalooo sheegay in kulankani uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan waa sida ay noo sheegeen ilo wareedyo ka agdhawaa kulankani.
halkan hoose ka daawo muuqaalka shaqaalaha oo mudaharaadaya
Waxiii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka SaxiLnews