War Deg Deg Ah:Shirkada Telesom Oo Hadda Ka Jawaabtay Eedo Loo Jeediyay + Fariina U Dirtay Shacabka Somaliland

0
24

Hargeysa(Saxilnews)Shirkada Telesom Oo Hadda Ka Jawaabtay Eedo Loo Jeediyay + Fariina U Dirtay Shacabka Somaliland

#TELESOM

Ku: Dhammaan Macaamiisha Shirkadda #Telesom
Waxaan dhammaan macaamiisha Shirkadda #Telesom la socodsiinaynaa, in Shirkadda #Telesom ay tahay Shirkad ganacsi oo ka madax banaan guud ahaanba siyaasadda, si simana ugu adeegta dhammaan Xisbiyadda qaranka oo ka mid ah Macaamiisha shirkadda.
Sidaa awgeed waxaan cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin warar lagu faafiyey baraha bulshadda qaarkood oo sheegaya in shirkaddu #Xisbi gaar ah la safan tahay siisayna adeegyo gaar ah oo aanay Xisbiyadda kale haysanin.
Haddaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in dhammaan #xisbiyadda#Qaranku si siman u isticmaalaan adeegyadda shirkadda gaar ahaan Lines-ka telefoonadda oo ay ugu talo galeen inay kala xidhiidhaan taageerayaashooda kala duwan ee wadanka ku nool.
Xisbiga #Kulmiye waxa uu naga isticmaalaa lambar gaaban oo si Automatic ah kuu hagaya oo ah (2019) iyo oo Lines-kan hoos ku qoran 530726, 530865, 530879, 530912, 530940, 530939, 530944, 530958, 530989.
Xisbiga #Waddani waxa uu isna naga isticmaalaa Lines-kan hoos ku qoran: 527443, 540208, 540220, 540221, 540331, 540334, 540341, 540356, 560158, 540358, 540378, 540379, 540389, 540391, 540396, 540401, 540407, 540414, 540417.
Xisbiga #UCID waxa uu naga isticmaalaa Lines-kan hoos ku qoran 528866, 528801, 526223, 524326, 710352.
F.G: Waxaan kula talinaynaa dhammaan Axsaabta Siyaasiga ah inay u isticmaalaan adeegyadda Isgaadhsiineed si waafaqsan Xeerka Anshaxa ee guddiga Doorashooyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here