Hargeysa (SAXILNEWS)_Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah xukuumadiisa, ayaa saaka tagey xarunta golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, halkaasi oo ay ka socoto qaadashada kaadhka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliya bookhashadan afadiisa Aamina-Weris, iyo xubne kale oo katirsan xukuumaddiisa, waxaana la sheegay inay halkaasi saaka u tageen qaatashada kaadhka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu halkaasi ka hadli,doono, waxaana loo dhegtaagayaa inuu madaxweyne Silaanyo shaacin doono musharaxnimadiisa Xisbiga KULMIYE Iyo inuu ku dhawaaqi doono inuu ka tanaasulay musharaxnimada KULMIYE.
Dhinaca kale waxa magaalada Hargeysa dhex gaaf-wareegaya tan iyo habaan hore ciidamo kala duwan, kuwaas wata gaadiid kala duwan ee ciidamada booliska iyo qaranka .
MAXAMED ILKACASE
HARGEISA OFFICE