Sababta Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland isku casilay oo faah faahsan

0
11

Garoowe (SAXILNEWS)_Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa iska casilay xilkii guddoonka iyo xubinimadii, kadib markii xildhibaano gaaraya 40 mudane ay mowhsin ka keeneen.

Markii uu iscasilaada ku dhawaaway Guddoomiyaha ayaa waxxaa kulan deg deg ah u fariistay xildhibaanada Puntland, waxaana kooramka soo xaadiray 50 xildhibaan oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdisalaan, Xildhibaanada ayaa waxay cod u qaadeen mooshinka laga soo gudbiyay ansixintiisa iyo aqbalaada is casilaada Guddoomiye Saciid Xasan Shire uu ku dhawaaqay.

Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in mooshin laga keenay ay ka danbeeyeen qaar ka mid ah madaxda Puntland, isla markaana uu yahay mid sharci darro aan loo marin sifo sharci ah.

Ciidamo uu leeyahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayuu sheegay in ay la wareegeen xarunta golaha wakiillada Puntland,  ciidamadaasi oo uu tilmaamay in ay soo amreen madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasiirka Amniga Puntland.

saciid-xasan-shireArintan khilaafka keentay inuu is casilo guddoomiyaha ayaa ka danbeysay difaacidda lacagta faalsada ah ee Puntland daabacday iyo ku takri-falidda awoodda Barlamanka sida uu tilmaamay Saciid Xasan Shire.

Siciid Xasan shire ayaa sheegay in Barlaamanka oo dhan ku eedaysanyihiin difaacidda lacagta faalsada ah, balse uusan shakhsi ahaan ku lug kulahayn kana soo horjeeday, laakiinse ahayd mid dowladdu u arkaysay kabid taasna ugu turay dalka iyo dadka.

parlaman-pl-1Shakhsiyaad ayuu carab baabay inay keensadeen dalka isla markaana daabaceen lacagtaasi, kuwaasi oo ku sugan gudaha Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuusan ku xadgudbin awoodda golaha Barlamanka, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dana shakhsiyeed laga leeyahay.parlaman-pl-2

Arrintan ayaa timi xilli uu socdo kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland, waxaana jiray xiriir xoose oo u dhaxeeyay Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiyaha Barlamanka.

parlaman-pl-3parlaman-pl-4parlaman-pl-5parlaman-pl-6

BERBERA2002@GMAIL.COM

 

GAROWE OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here