Waa Taliyihii Imasaad Ee Gacan Ka Xaqdarani Disho Alle Ha Unaxariisto Taliye C/risaaq Yuusuf Maxamud (Casayr )

0
32

Berbera (Saxilnews.com)-Xaalada Magaalada Berbera Ayaa Degan Marka Laga Reebo Adeega Isgaadhsiinta Taleefanada Shirkadaha Isgaadhsiinta Berbera Oo Hawada Laga Saraay Abaaro 9:40 Habeenimada Magaalada Berbera Taasina Waxay Sababtay Inuu Guud Ahaanba Isbedelo Dhaqaaqi Ganacsi Ee Berbera Gudaheeda Waxaad Arkaysaa Sidoo Kale Ciidan Wata Gaadiidka Gaashaman Oo Dul Hoganaya Dariiqyada Magaalada Berbera

Majiraan Wax Muharaad Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Berbera Hase Ahaate Bulshada Ku Dhaqan Berbera Ayaa Si Xoogel Uga Murugootay Dilkii Taliyaha Qaybta Booliska Berbera Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamud ( Casayr) Oo Bil Iyo Sadex Toban Cisho Ah Xilkaasi Hayey Sidoo Kale Waxaa Jirtay Alle Hanaxariiste Inuu Taliye Aadan Guleed Daahir (Talaabo) Oo Ahaa Taliyihii Ciidanka Birmadka Berbera Gobolka Saaxil Toogasho Badheedh Ah Ku Geeriyooday 17/1/2016  Taarikhdu Markii Ay Ahayd Bishii 18/9/2014kii Waxaa Dilkaasi Mid Lamid Ku Geeriyooday Kaptan Maxamed Yusuf Mays Oo Kamid Ahaa Saraakiisa Jiida Hore Ee Somaliland Sidoo Kale Waxaa Dil Badheedh Ah Lagu Toogtay Alle Ha Naxariiste Sarkaal Siciid Cabdi Warsame Oo Kamid Ahaa Saraakiisha Ciidanka Qaranka Ee Gobolka Sanaag Iyo Kuwo Kale Oo Badan Oo Ugeeriyooday Dil Ay Kula Kacaan Dad Ka Xaqdarani

Hadaba Inkastoo Qadarku Jiro Sababta Alle Qoran Tahay Waa In La Ogaada Waxyaabaha Soo Celcelinaya Dilka Badheedhka Ah Ee Lagu Bartilmaamedsanayo Saraakiisaha Ciidanka Kala Duwan Ee Qaranka Somaaliland

Arimahaasi Kuwo Loo Baahan Yahay Inay Xukuumadu Ka Garaabto Kana Qanciso Beelaha Ay Kasoo Jeedan Saraakiisaasi Uu Udanbeeyey Taliye Casayr Oo Ahaa Sarkaal Firfircoon Oo Ay Bulshadu Jeceshay Alle Qabriga Ha Nuuro

Hadii Ay Sii Socdaan Dilalka Badheedh Ah Ee Masuuliyiinta Qaranka Waxay Wax Cawaaqib Xumo Kunqonaysaa Jiritaanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

Waxaan Usoo Jeedinayaa Saxaafada Ku Gafaysa Xeerka Saxaafada Somaliland Ee Qabiilada Lasoo Safanaya Inay Joojiyaan Wararka Been Abuurka Ah Ay Bulshada Ukala Sheegayaan” Dalka Uu Joogayaa Dadku Waa Joogaya ”Waxaan Usheegayaa Inay Joojiyaan Hadalada Cadifadaysan Iyo Danbiyada La Saarayo Dadka Aan Oagayn Arimahaasi Socda Taasina Manoqonayso In Dusha Laga Saaro Nin Aan Waxba Ogayn Basle Waxay Utaala Arinkaasu Isku Dirka Iyo Isku Soofaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dalka Wada Degga

Xukuumada Somaliland Ayaa Malintii Shalay Ahayd Balan Qaaday Inay Soo Qabandoonto Ragii Hawshaasi Gaystay Waxaana Haboon In Loo Daayo Xukuumada Wadanka Maamusha Ka Warkeenista Dhacdaadasi Aan La Mahadin

  • WWW.SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here