GUDOOMIYE CIRO OO KA HADLEY XAALADA GOBALKA SAAXIL KUNA BAAQEY IN ISGAADHSIINTA GOBALKAASI DIB LOO SOO CELIYO

0
26

Hargaysa (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro  ayaa waxaa uu ka  hadley rabshadaha nabad galyo daro ee ka soo kordhey gobalka Saaxil  waxaana uu baaq u diray dadweynaha ku dhaqan gobalkaasi

Muddane Ciro gudoomiyaha xisbiga Waddani  oo arintani ka hadlaya waxu yidhi  “ Waxaan Shacbiga Gobalka Aan Ka Soo Jeedo Ee Saaxil guud ahaantii ugu baaqayaa baaq nabad galyo  oo ah in ay  nabad galyada ilaaliyaan  maadama oo aynu hawl qaran ku wada jirno masuulyada nabad galyadana xukuumada ayey saran tahay  waxaana aan rajeyna in ay xukuumadu xilkeedaas gudan doonto oo la xasilin doono xalaada amaanka”

Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu sidoo kale  uu xukuumada Somaliland ku dhaliilay in isgaadhsiintii laga jaro gobalka Saaxil waxaana uu yidhi “ anigu maan arkeen sabab khadka telefoonka looga jaro  gobalkaasi Saaxil lakiin waxan u soo jeedinayaa  xukuumada iyo ciidamada amaanka in amaankana la sugo  adeegyada shacbiga ee telefoonadu ka midka yahiina loo furo” ayuu yidhi gudoomiye Ciro .

Saxilnews// Hargaysa //Office

WWW.SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here