Twitter oo gabi ahaanba hawada ka saartay cinwaanka madaxweyne Trump

0
19

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay hadda si rasmi ah meesha uga saartay cinwaanka Madaxweyne Trump.

Barta Twitter ayaa sheegetay in go’aankan ay gaartay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo barta.

Waxay Shirkadda sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan Mareykanka.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyada oo shirkada onlinka ah ay maalmahan meesha ka saaraysay cinwaanada baahiya erayada kicinta ah ama dhibaato horseedi kara, gaar ahaan taageeryaasha Trump.

Qaar ka mid ah sharci dajiyaasha Mareykanka iyo dadka caanka ayaa muddaba ku baaqayay in bata twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka madaxweyna Trump.

Marwadii hore ee mareykanka Michelle Obama ayaa khamiistii barteeda twitter-ka shirkada kaga codsatay in ay joojiso qoraallada trump ee dhaqan xumida ah sidoo kalana gabi ahaan meesha ka saaran cinwaanka madaxwyenaha Trump.

Maxat tahay sababta Trump looga mamnuucay Twitter?

Arbacadii 12 saacadood ayay xirtay shirkadda cinwaanka Mr Trump, ka dib khalalaasihii ka dhacay xarunta congress-ka iyadoo sheegtay inuu mar kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.

Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa weeraray dhismaha Capitol iyagoo gudaha u galay rabshadana halkaasi ka kiciyay.

Twitter ayaa horay ugu digtay Trump, waxayna sheegtay in gabi ahaanba meesha ka saareyso cinwaanka Trump haddii uu baalmaro shuruucda u deggan shirkadda.

Balse qeybtan ayaa ugu muhiimsan warkii uu Twitter-ku soo saaray: “Meel ka dhaca mustaqbalka ee Shuruucda Twitter, wuxuu sababi doonaa in gebi ahaanba la mamnuuco akoonka @realDonaldTrump.”

Siyaasadda Sumcadda Bulshada ee Twitter waxay leedahay: “Uma isticmaali kartid adeegyada Twitter-ka si aad u farageliso doorashooyinka amaba hannaanka kale ee arrimaha bulshada.”

Qoraallada Mr Trump ee la xiriira eedeymaha aan caddeynta loo heyn ee in doorashada lagu shubtay ayaa ka mid ah kuwa jebiya sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here