Hargeysa (SaxilNews):- Suldaankii uu dhawaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi la sheegay in uu caleemo saartey isla markaana lagu wiiqaayey sandalada Suber Awal Maxamed Axmed C/Raxmaan ayaa waxaa ay ehelkiisu ula yimaadeen hadlo nasteex ah oo ku saabsan in uu ka tanaasulo suldaan nimada maqaar saarka ah ee lagu wiiqaayo sanada Suber Awal
Suldaankan maqaar saarka ah ayaa waxaa uu ka dhego adeygay hadaladaas isla markaana waxaa uu dheg u dhigi waayey baaqyadaas is daba joog ah ee kaga imanaya ehelkiisa
Ka dib markii uu ka dhago adeegay maqlina waayay ehelkiisa ayaa adeerkii oo ay Aabihii Axmed Suldaan c/ramaan walaalo yihiin uu maanta hotel xaraf ee magaalada Hargaysa ku uleeyay, isagoo u sheegay in waalid-nimadu farayso in uu qabto.
Suldaanka danaha siyaasadeed loo cumaamatay ayaa aha suldaan lagu nusqaaminayo sandalada guunka ah ee faca-wayn ee subeer-awal.
Geesta kale suldaankan lagu muraadsanayo ayaa marar badan ay eheladiisa oo ay ku jiraan adeeradii iyo awoowyadii ay in badan si sareexana wax ugu sheegeen dhagse jalaq uma siin.
Suldaankan ayaa kaliya waxaa daba ku wata siyaasiyiin aan qiimaynay sandalada muctarika ah.
Dhinaca kale guud ahaan ayaa waxaa ka soo horjeestay beel-waynta subeer-awal waxaana si toosa maanta u qabtay adeer kii oo ugu baaqay in uu ka waantoobo ceebaynta uu ku hayo sandalada iyo qoyska reer suldaan diiriye.