Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Oo Wasiirka Caafimaadka Ku Hambalyeeyay Ka Qaybgalkii Caleemo Saarki Buuhoodle

0
22

Hargaysa (Saxilnews.com)-Suldaanka Guud Ee beelaha Arab, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ku amaanay wax qabad uu sheegay inuu muujiyey iyo ka qayb galkii caleemo saarkii garaadka ee buuhoodle lagu qabtay.

Suldaan Cumar, ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu xalay soo saaray, waxaanuu u dhignaa sidan:-
”Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxaan ku hambalyaynayaa sidii geesinimada iyo wadaninimada lahayd ee uu uga qeyb galay caleema saarkii Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaanan ku hambalyaynayaa Wasiirka sidii wadaniminada lahayd ee uu ugu dhaadanayay magaca dadka iyo dalka Somaliland iyo qaranimadiisaba, taas oo astaan u ah daacadnimada iyo hawl-karnimada Wasiirka.Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland”

berbera2002@gmail.com91468f5b7b380dbe931105e6c5ab9832_L

91468f5b7b380dbe931105e6c5ab9832_L

Waxa uu intaas raaciyey suldaanku “Waxaan ku hambalyaynayaa mashaariicda horumarineed ee dhinaca caafimaadka ee uu ka wado guud ahaan gobalada Somaliland, gaar ahaan gobalada Awdal Iyo Sool, oo uu mar kasta mudan in mudnaanta koowaad la siiyo, sidaa daradeed, waxaan ku dhiiri-gelinayaa Wasiirka in uu halkaa ka sii wado dadaalkiisa iyo hawl-karnimadiisa, waxaanan leeyahay taariikhda ayaa qori doonta, waxaana haboon in qof kasta oo masuul ah oo ku talaabsada horumar, in uu inaga mudan yahay hambaluo iyi dhiiri-grlin, waxaanan leeyayay Wasiir mar kasta waanu kugu garab taaganahay waxqabadkaaga” ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed
Wasiirka Caafimaadka Somaliland,ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guda jiray socdaalo uu ku galaa bixinayay Gobolada Sool iyo Sanaag,isagoo markii dambena u gudbay Gobolka Awdal. degaannadaasi wuxuu inta badan ka hir galiyay adeegyada Caafimaadka,isagoo qaarkoodna dhagax dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here