Somaliland Maxay ka tidhi Xadka ay Xidhatay dawladda Jabuuti iyo Saamaynta Reer Saylac?

0
24

Hargaysa (Saxil News.com)-

Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel, ka dib markii ay ka soo baxeen dhinaca magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay dhawaanahanba ku sugnaayeen, waxaanu Safarkan Wasiirradu ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay dawladda Jabuuti xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland.

Tallaabada ay isu-socodka xadka ku xidhay dawladda Jabuuti, waxa uu saamayn taban ku yeeshay dadka ku dhaqan Magaalada Saylac iyo deegaannada kale ee gobolka Selel, kuwaasoo noloshooda maalin laha ahi ku tiirsanayd safarrada ay Jabuuti geeyaan iyo waxyaabaha quutal-daruuriga ah ee uga iman jiray maalin kasta, Sida Roodhida, Noocyada Qudaarta iyo Raashinka qaybihiiisa kala duwan, sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo shalay Saxaafadda la hadlay.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaaradda Dib-u-dejinta iyo Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa labadooduba maanta soo gaadhay Saylac, isla markaana kulammo ay wada-yeesheen Maamullada heer Degmo iyo Gobol, waxaanay kormeereen goobaha kala duwan ee dawladda iyo Saldhigyada Ciidammada ilaalada Xeebaha iyo Amniga ee magaalada Saylac.

Wasiirrada iyo Guddoomiyaha gobolka Selel oo si wada-jir ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay inay dawladda Jabuuti ka wadahadleen xaaladda xidhitaanka xadka ay Somaliland la wadaagto, waxaanay sheegeen inay dawladda Jabuuti u sheegtay inaanay xidhin, balse sababo adkaynta ammaanka la xidhiidha dartood ay u hakiyeen isu-socodka labada dal, waxaanay xuseen in Caanihii la geyn jiray Jabuuti ee Saylac iyo nawaaxigeeda ka tegi jiray la fasaxay, isla markaana Qudaarta iyo Roodhidu inay ka yimaaddaan Jabuuti ay oggolaatay.

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here