SIYAASIYIIN IYO MADAX-DHAQAMEED LAKALA SAFTAY DHALINYARADDA ISKU HAYSA DALADDA SONYO IYO WARBIXIN KOOBAN OO KA HADLAYSA MARXALADDA FOOSHA XUN

0
31

Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay kamid yihiin Wasiiradda Maaliyadda, Ciiyaaraha, Boosaha, Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa la saftay garabka Sonyo ee uu hogaaminayo gudoomiye Siyaad iyadoo masuuliyiintani weedho ka jeediyeen xafladii xil wareejina loogu sameeyay garabka Siyaad

66(35).jpg

dhanka kale madax dhaqameed ay ka tirsanyihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir Iyo Suldaan Xiiray ayaa iyaguna la saftay garabka Cabdicasiis ee daladda sonyo iyagoo salaadiintani ka qaybgaleen xafladii xilwareejinta ee Gudoomiye Cabdicasiis loogu sameeyay hargeysa

sonyo2-300x200sonyo9

sidoo kale madax-dhaqameed kale oo iyaguna taabacsa gudoomiye Siyaad islamarkaana u jawaabaya Suldaan Xiiray & Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir ayaa iyaguna ku soo biiray salaadiintaas oo iyaguna ka soo jeeda goboladda galbeedka sida gobolka Awdal oo uu shakhsi ahaan ka soo jeedi gudoomiye Siyaad

sonyo8

markay halkan marayso xaaladdu ee ay masuuliyiintii & madaxdhaqameedkii heshiisiin lahaa dhalinyaradda somaliland ay qaab beelaysan ula kala safteen dhaliyaraddan khilaafku soo dhex galay yaa u hadhay ee heshiisiinaya dhalinyaradan

jii

sonyo soinyo

tani waa mid tilmaan xun ka bixinaysa heerka liita ee xukuumadda siilaanyo gaadhsiisay dalkan iyo dadkan kahor intiii aanay majaraha u qaban hagaagsanaa waxaana ayaan darooyinka ugu waawayn kamid ah in gudoomiyihii dhamaa ee xisbiga kulmiye meel hoose isku celiyay islamarkaana halkii uu dhexdhexaadin ka gali lahaa lakala saftay dhalinyaradii uu aabaha u ahaa, waxa kale oo iyaguna talaabadan foosha xun sameeyay wasiir samaale oo isna muuse ku raacay dariiqa khaldan ee uu maray, wasiirka ciyaaraha oo isagu waligiiba caan ku ahaa kala faquuqida dhalinyaradda & wasiir ku xigeenka qorshaynta oo isna shaambadu ku dhacday xilli bulshadu ka haystay fikrad ka duwan talaabadan uu qaaday & wasiir abgaal oo isna hayb qabiil arinka ku soo galay halka dhanka muncaaradka uu arinkan ka soo galay musharax ku xigeenka ucid oo isaguna hayb qabiil ku soo galay, halka sidoo kale gudoomiyaha jaamacadda camuud oo isna ahaa profesor caana balse markaliya isna shaambadaasi ku dhacday lana saftay garabka siyaad

dhamaan arimahan aynu ka soo sheekaynay waa kuwo kuu iftiimanaya heerka aadka u liidata ee qabyaaladdu dalka ka maryaso, iyadoo masuuliyiintii, siyaasyiintii & madaxdhaqameedkii marjaca loo noqdo ahaaba ay kuwada dhex milmeen muranka iyo is qabqabsiga dhalinyaradda ku hirdamaysa loolanka daladda sonyo

si kastaba ha ahaatee waxa calaamad su’aal ka taagantahay madaxwayne siilaanyo miyuu wasiiradiisa kula socda arinkan mise waxba kama oga dhacdooyinkan oo tiisaa mashquulisay

Axmed Aadan Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here