Saxilnews.com
Booliska Oo Xidhay Nin Isku Dayey Inuu Dab Qabadsiiyo Masajid Lagu Jiro Saladdii Duhur
February 4, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)- Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah maanta isku dayey inuu dab qabadsiiyo Masaajid ku yaalla Suuqa Idaacadda, gaar ahaan qaybta dhismaha Xisbiga Caanaha u gaarka ah.

Ninkan dhallinyarada ah ayaa Ragcaddii u dambaysay ee Salaaddii Duhur ee maanta dhinac walba Masaajidka kaga rusheeyay Gaas, hasa-yeeshee markii uu gudaha Masaajidka la galay Gaastaasi ayaa dadkii Tukanayey ka baxeen Salaadda isla-markaana gacanta ku dhigeen.

Xilliga la qabtey ninkan waxa dad goob-joogayaal ahi sheegeen inuu gacanta ku hayey Birikayga Sigaarka lagu shido oo uu doonayey inuu ku holciyo gaastii uu Masaajidka ku wareejiyey “Ragcaddii u dambeysay ee Salaadda ayaa lagu jiray. Dadku markii ay is-hayn kari waayeen ayay ka baxeen oo qabteen, isagoo markaa doonaya inuu Buluukeedka ku shido meeshii uu Baatroolkii ku Shubay” sidaa waxa sheegay qof goob-joogayaal ah.

masjidka

Ilaa hadda lama oga ujeeddada dhabta ah ee ninkaasi ugu kacay falkaasi naxdinta leh, laakiin waxa dad aqoon u lahaa ninkaasi tilmaameen inuu muddo dheer kabaha ku baalashaynayey Masaajidka meel ku dhow. Booliska ayaa baadhaya kiiskan naxdinta leh ee ninkaasi ku kacay.

C/rashiid Maxamud

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News