Hargeysa (SaxilNews) Shirkii Beelaha Garxajis Oo Saka Hargaysa Ka Furmay Isaga Oo Dhinac Ka Raran+Cida Ka Qayb Ka Shay +Cida Ka Maqnayd Hoos Ka Eeg Shirkii Beesha Garxajis ee mudooyinkii Udanbayey Hadl Hayndiisu Ka Socoday Gudaha Dalka Ayaa Saka Ka Furmay hotelka Maroodi-jeex ee bariga magaalada Hargeysa.In kasta oo shirka hadal hayntiisa ay ka dhex muuqdeen siyaasiyiin miisaan ku leh beesha Garxajis wararka Ayaa Sheegaya In Anay saka Dhex fadhiyin kana dhex muuqan shirka siyaasiyiinta Salaadiintii Iyo badi haldoorka koonfurta Hargaysa Sida Suldaanka Guud suldan maxamed suldaan cabdi qaadir Godoomiye Faysal cali warabe iyo xaaji cabdi kariim xaji cabdi waraabe
Dhinaca kalana beesha Galbeedka Burco Ayaa Saka Siway Uga Dhex Muuqday Shirka Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah salaadiinta beelaha Galbeedka Burco xaqiijiyey In Shirkani Furmay , laba maalmood uu soconayo
shirkan ayaa u muuqda mid an loo dhamayn oo bog ka raran madama anay ka soo qayb gelin siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed miisaanka ku leh Koonfurta Hargeysa yagoo dhowaan warbaahinta si wada jir ah ugu sheegay in shirkaasi aanu khusayn isla markaana beeshoodu ka qaybgalayn.
Sidoo kae waxa uu ahaa shir guud ahaan bahda warbaahinta laga ilaaliyey oo aan loo ogolayn
warkaan oo faahfahsan la soco goor dhow