Murashax u tartamaya madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu caasimadda u wareejinayo magaalo Soomaaliyeed

0
35

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada Kenya, oo lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha August ee sanadkan 2022-ka ayaa u muuqda in ay aad u danaynayaan soo jiidashada Soomaalida ku nool waddanka.

Waxa ay Soomaalidu ka mid yihiin qowmiyadaha Kenya dhulka ballaaran ku leh, waxayna tiradooda saamayn ku leedahay natiijada doorashada.

Waxaa la qiyaasaa in ilaa 850,000 oo Soomaali ah ay codadkooda ka dhiiban karaan doorashada guud ee Kenya oo qof iyo cod lagu soo doorto madaxda dowladda dhexe, baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here