Saxilnews.com
Waxa macno samaynaysay in wakhtigaa Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan” Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimah dibada Maraykanka.
July 1, 2022 - Written by Baas Rashiid

  1. WARAYSI: “Waxa macno samaynaysay in wakhtigaa Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan” Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimah dibada Maraykanka.

“Waxaan u arkayay in ay habboon tahay in Midwoga Afrika sameeyo is-bahaysi, kaasoo taageeraya madax bannaanida Somaliland”

Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibadda Maraykankan u qaabilsanayd Afrika sannadihii 2005 illaa 2009 mss, Jandayi Frazwe ayaa waraysi ay bixisay si faahfaahsan uga hadashay sooyaalkii uu soo maray xidhiidhka u dhexeeya maraykanka iyo Somaliland, iyo sidii Maraykanku marar badan u qalqaaliyay in Somaliland la aqoonsado , balse ay jireen dalal ka tirsan Afrika oo marwalba dabada jiidayay arrintaa. Waraysigii oo dhan sidan ayuu u dhignaa.

Michelle Gavin: bal marka hore waxaad nooga warrantaa siyaaddii Maraykanka ee ee ku aaddanayd somaliland ee aad ka dhaxasheen maamulkii idinka horreeyay?

Jandayi Frazer:Waad mahadsan tahay, markii George W. Bush oo xafiiska yimid sannadkii 2001, haba yaraatee ma aannaan lahayn wax siyaasad ah oo ku wajahan Somaliland. Sidoo kale markii aanu ku jirnay ololaha kamaanu fikirin meesha siyaasad ahaana aanu ka taagannahay Somaliland. Anigu kama warrabi karo maamulkii Clinton. Waxaan ka mid ahaa kooxdkii xilliga kala guurka, ma xasuusto waraaqo ama qoraallo aanu kala wareegnay maamulkii Clinton oo ku saabsan Somaliland iyo Somalia oo arrintaa ku saabsan. Waanuu isku daynna in aanu helno dokumentyo la xidhiidha siyaasaddaa aynu ka hadlayno, balse wakhtigaa Somalia iyo Somaliland waxa ay xisaabsnaayeen uun dal madax bannaan, run ahaantiina ma aanaan lahayn siyaasad cad oo ku saabsan madax banaanida Somaliland. Siyaasaddayada ku saabsan Somaliland na waxa ay ahayd mid si hufan loo xakamaynayo illaa laga soo gaadho weerarradii 9/11 ee sannadkii 2001 ee maraykanka la soo weerary. Sidaa daraaddeed sagaalkii bilood ee ugu horreeyay maamulka Madaxweyne Bush, Soomaalidu meel muhiim ah kagama ay jirin siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waad ogtahay Somaliland, waxa ay qabatay aftidii dastuurka sannadkii 2001, iyada ay dadweynuhu doorteen is Somaliland la soo noqoto madaxbanaanideeda, sannadkii 2003, waxa ay markii u horraysay dadweynaha Somaliland doorteen madaxweyne codka shacabka ku soo baxay, waxa dhacay doorshooyin badan oo si dimuqraaddi ah u qabsoomay, Somaliland sidoo kale waxa ay leedahay nabdagalyo laysku halayn karo, geesta kale, waxaa Soomaaliya waxa ka jirtay dawlad federal ah oo ku meel gaadh ah, taasoo iyadu xataa aan heshiis ahayn, iyada oo wali la daalaa dhacaysa khilaafyo daba dheeraaday iyo hirdanka qabaa’ilka, sidaa daraaddeed kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo rabitaanka beesha caalamka oo Maraykankuna ku jiro ee doonaya in ay taageeraan ayaa aad u soo xoogaysanayay, waxaanan odhan karaa wakhtigaasi waa markii aanu bilawnnay in aanu u soo jeedsanno Somaliland isla markaana aanu muhiimad gaar ah siinno. Waxyaaabaha kale ee ka qayb qaatay in aanu Somaliland wakhtigaa il gaar ah ku eegno waxa ka mid ahaa iyada oo kooxo badan oo xidhiidh la samaysatay ururka Al qaacida , sida Al-shabaab ay ku sii xoogaysanayeen guud ahaan dhulka soomaalida, gaar ahaan Soomaaliya, taasoo nagu khasabtay in aanu gacan saar la samaysanno Somaliland si ay noogala shaqeeyaan in aany ururradaasi ku fidin dhulka kale oo hor leh.

Mabda’ ahaan maamulka Bush, waxa uu lahaa siyaasad ku dhisan istiraarijiyada la xidhiidha la macaamilka dalalka waaweyn, ee awoodda iyo saamaynta ku leh gobolka ay ku yaallaan. Dalalkaa waxa ka mid ahaa Koonfur Afrika, Nigeria, Kenya, Ethiopia, iyo sidoo kale waddamadii yaryaraa ee sida wanaagasn u soo baxay isla markaana qabsaday doorashooyin dimuqraaddi ah, dhaqaalahooduna soo kobcayo, sidoo kalena xoojiyay dhanka ammaanka. Dalalkaa waxa wakhtigaa ka mid ahaa Maali, Senegal, Botswan iyo Mozambique, iyo sidoo kale Ruwaanda Iyo Uganda.

Sidaa daraaddeed, ujeeddadaydu waxa ay ahayd in aanu taageerno meelaha maamul wanaagga iyo deganaanta siyaasadeed samaystay. Haddii haddaba aad eegto shuruudahaa aynu soo sheegnay, waxaad arkaysaa in Somaliland dhammaantood fulisay, sidaa daraadeed waxa macno samaynaysay in wakhtigaa Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan.

Michelle Gavin: Waa arrin muhiim ah. Balse marka la eego siyaasad aan is Isbeddel lahayn iyo xaalad fawdo ah oo ka jirta Soomaaliya. In aqoonsi la siiyo meel leh dawlad sifo sharci ah oo la garanayo ku timid isla markaana hormar ka samaysay bixinta adeegyada bulshada iyo adkaynta ammaanka sida Somaliland oo kale, miyaanay ahyn arrin keeni karta in la aqoonsado?

Jendayi Frazer: Dabcan waa sidaa aad sheegtay, bal hadda aan ku yar noqdo Soomaaliya, dawladdii ku-meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo dawladda Fadaraalkuba waxa ay ka soo unkameen wada hadallo nabadeed oo ka kala dhacay meelo kala duwan. Waxa jiray wada hadalladii Jabuuti, kenya iyo meelo kale. waxa ay u muuqatay in dalalka Afrika gaar ahaan kuwa geesku ay tartan ugu jiraan soomaaliya, sidaa daraaddeed, waxa aanu ka fikirnay bal in midowga Afrika la iman karo siyaasad midaysa tartanka ka dhexeeya Jabuuti, Kenya Iyo Itoobiya, iyo dalalka kale ee ku wajahan Somalia. Waaqacuna wakhtigaa sidaa ayuu ahaa,. Taa awgeed waxa aanu is dareensiinnay in aanu aqoonsanno madaxbannaanida Somaliland. Somaliland waxa ay ahayd dal madax banaan oo la qoonsan yahay, markii ay xornimada qaateen sannadkii 1960kii ayaa ay si iskood ah ugu biireen Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray.

Michelle Gavin: Markaasay isla markiiba ka qoomamoodeen?

Jandayi Frazer: haa waa ay ka qoomamoodeen markiiba, xataa aftidii dastuurka ee sannadkii 1961kii, badi dadka Somaliland waa ay qaadaceen, sababta oo ah waxa ay dareemeen in dawladdii lagaga batay oo aanay awood muuqata ku lahayn. Markii uu dhacay rajiimkii Siyaad Barre sannakdii 1991kii, waxa ay la soo noqdeen madax bannaanidoodii iyo xorriyadoodii. Sidaa daraaddeed hadda waxa aad arkaysaa in ay tahay dawlad haysata taageerada shacabka, dal horum ka sameeyay dimuqraaddiyadda, haddana aynnaan wali aqoonsan. Waxa aan rumaysanahay in ay aqoonsiga u qalmaan. Sidoo kale midowga Afrika ayaa wufuud u diray Somaliland, waxaanay u socdeen sidii ay Somaliland u aqoonsn lahaayeen.

Koonfur Afrika, waxa ay waligeedba taageere weyn u ahayd Somaliland, inkasta oo ay sababo u gaar ah sidaa u samaysanaysay, waxa aan xasuustaa wakhtigaa in Kenya iyo Itoobiya ay taageeradooda Somaliland ahayd mid aan xoogganayn. Dhanka kale Jabuuti iyo Uganda ayaa ahaa si weyn uga soo horjeeday Somaliland, si fiican baan u xasuustaa. Nigeria lafteedu waxa ay lahayd aragti taagero u muuqata. Waxaan u arkayay in ay habboon tahay in midwoga Afrika sameeyo is-bahaysi, kaasoo taageera madax bannaanida Somaliland, maraykankuna intaa wixii ka danabysa soo galo meesha, arrintaasina ma ay dhicin.

Michelle Gavin: waxa jirtay in dalalka gobolka uu jiro dal dhawaanahan la aqoonsaday isla markaan noqday xubin buuxda oo ka mid ah ururka midowga Afrika sannadkii 1993kii, kadib halgan dheer oo ay u galeen in ay noqdaan dal madax bannaan, waxaana lagu tilmaami karaa taariikh dhawaan dhacday oo wali sii qoyan isla markaan waaqaca siyaasadeed ee gobolka la jaanqaadaysa, inkasta oo ay taariikh ahaan ka duwan tahay. Sidaa daraadded adiga iyo saraakiisha kale ee maraykanku waxa aad sidoo kale wax ka ogaydeen, heerka taageerada ah ee ay dalalka Afrikaanku u hayan Somaliland iyo madaxbanaanideeda. Markaa waxa muuqatay in Maraykanka iyo aqlabiyadda dalalka Afrika ay isku dhinac u socdeed, maxaa dhacay intaa wixii ka danbeeyay? Maxaa qaldamay?

Jendayi Frazer: Xataa haddii aanay ahayn dalalka Afrikaanka ah badankooda, waxa ay ahaayeen kuwa saamayn ku yeelan kara kuwa kale oo soo jiidi kara. Badankoodu ma ay danaynayn. Dalalka aanu isku fikirka ahayn Waxa ay ahaayeen uun kuwa u soo jeeda arrintaa iyo dalal kale oo diblomaasiyad ahaan awood u leh in ay dadka isku keenaan, waxaanay u ekayd in aanu dhammaantayo dhinac u wada soconnay.

Madxweynihii hore ee Maali oo xukunka hayaay 1992kii illaa 2002, ayaa hawshan hormuud u ahaa. Xataa marka laygu weydiiyo meel fagaare ah, waxa aan odhan jiray, haddii aanu maraykanka nahay waxa aanu ka dhur sugayanna siyaasadda Ururka midowga Afrika. Run ahaan waanu isku dayaynnay in aanu si uun saamayn ugu yeelanno, balse ma ay xoogganayn, waxa aanu u arkaynnay in ay jihada saxda ah u socoto.
Laakiin waxaan u malaynayaa, waxa arrinta aqoonsiga Somaliland oo markaa calankeedu taagnaa hor taagnaa waxa uu ahaa Qaddaafi, Qaddaafi ayaa si uun u saameeyay midowga Afrika. Bal xasuuso, Qaddafi waxa uu doonayay inuu sameeyo hal dawlad oo ka dhaxaysa dhamaan dalalka Afrika, isaguna madaxweyne ka noqodo.

Michelle Gavin: Waa fikir ballaadhan sow maaha?

Jandayi Frazer: Haa waa fikir aad u ballaadhan. Sidaa darteed arrintaasi ayaa wakhtigaa socotay, waxaanan u malaynayaa in Qaddaafi uu fursad u helay inuu u adeegsado awoodihii uu adeegsan jiray sida dhaqaale, si uu fikir ahaan u saameeyo dalalka Afrika qaarkood. Taa awgeed arrintaa aqoonsiga Somaliland, marna cod lama galin, lamana soo hadal qaadin, sidaa daraadded cid diidday ma jirto lamana garanayo, waxa ay noqotay uun arrin la iska illaabay.

Aniga ahaan, waxaan u malaynayaa in Qadaafi saamayn xooggan ku yeeshay. Waxa kale oo aan u malaynayaa in dhaqdhaqaaqa ka socday gobolku noqday mid isna saamayntiisa leh, gaar ahaan Maraykanka oo si weyn gobolka ugu jiray millatari ahaan. Waxaan u malaynayaa in arrintaasi in baqdin galisay dalal badan oo taageersanaa qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Tusale ahaan Thabo Mbeki, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, markii hore waa uu nala safnaa balse markii danbe waa uu naga baxay. labadaa arrimood oo is barkan ee ah isbeddelada gobolka ka jiray iyo saamaynta uu Qadaafi ku lahaa dalalkii go’aanka qaadan lahaa, ayaa si weyn u saameeyay.

Mar kasta oo aan wakhigaa xasuusto waa aan la yaabaa, waa aanu awoodi karaynnay in aanu marno waddo aan taa ahayn oo uu Maraykanku hoggaanka u hayo arrinta aqoonsiga Somaliland. Waxa aanu ku taageernay uun sidii ay AU-du yidhaahdeen annaga oo aad ugu rajo weynayn in ay u socdaan in ay aqoonsadaan Somaliland.

Michelle Gavin: Runtii waa arrin aad u adag, waanan garan karaa sababta, aad arrinka sidaa ugu faah faahinayso balse marka aad eegto horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay ilaa wakhtigaa, marka loo eego Somalia, waxa jira waxyaabo badan oo lagu majeeran karo, waana arrin la yaabkeeda leh, bal ka warran arrimahaasi miyaanay hadda keeni Karin in fikirkii hore wax laga badalo?

Jandayi Frazer: Waa xaqiiq arrintaasi. Dhawaan waxa dalka maraykanka yimid madaxweynah Somaliland si uu ula kulmo maamulka Maraykanka, aniguna sidoo kale waa aan tagay Somaliland. waxaanna ishaaro ah in aanu taageersannahay, laakiin waxaan filayaa in aanu intaa wax ka badan qaban karaynnay, waxa sauurtagal ahayd in aanu waddo taa ka duwan raaci karaynnay oo guul aanu ka gaadhi lahayn.
Laakiin sida aad sheegtay waxa jiri kara cawaaqib aan ku talogal ahayn. Sidoo kale waxaan aad ula yaabaa in xoogga dabada ka riixaya madaxbannaanida Somaliland waa rabitaanka shacabka. Aniga arrinta muhiimadda ii lihina waa taa. Waxa dhab ahaan samaysteen hannaan ay isku maamulaan iyo in ay nabad iyo xasillooni samaystaan.

In lagu guul darraysto in aan la aqoonasn Somaliland iyo nidaamka dawliga ah ee ay samaysteen oo aan xataa meel ka mid ah fagaarayaasha caalamka laga aqoonsan, haddana wali la daba socdo dawlad aan awood u lahayn in ay xambaarto masuuliyadda dalkeeda iyo ammaankiisa ee Somalia oo waliba aynu aqoonsannahay waa arrin iska hor imanaysa.

Michelle Gavin: Marka xaqiiqda laga hadlo miyaanay u muuqanayn in sababta aad Somaliland wakhtigaa u aqoonsan weydeen in ay ahayd iyada oo aydaan arkayn wax dano toos ah oo idiinku jira aqoonsigeeda,ama ha ahaadaan dano istraatijiyadeed ama dano xagga amniga iyo millatariga ah?

Jandayi Frazer: Haa waa runtaa waad saxsantahay, sida aan xasuusto ma ay jirin wakhtigaa sababo aan arkaynno oo nagu qasbayay aqoonsiga Somaliland, laakiin waxa aan hubaa haddii ay jiri lahaayeen dano istaraatijiyadeed oo markaa noo muuqday waa aanu ku tallaabsan lahayn in aanu Somaliland wax badan la qabanno sida in aan kala shaqaynno sidii midowga Afrika dabada uga riixi lahaa aqoonsigeeda.

Michelle Gavin: Markaa waxa aan u fahma in arrinta aqoonsiga Somaliland aad sidaa kaga hadheen, oo aydaan mar danbe dib u soo qaadin, mar haddii aad argteen in golaha midowga Afrika lagu soo qaadi waayay?

Jandayi Frazer: Haa xaqiiqatan, sababtuna waxa ay ahayd waxa aanu qayb ka ahayn dhibaatooyin waawayn oo ka jiray gobolka iyo adduunyada kaleba. Balse waxa aanu sii wadnay in aanu Somaliland la macaamilno, annaga oo taageero ka gaysanaynna nidaamka doorashooyinka iyo tababarrada isla markaana xidhiidh toos la lahayn hoggaanka sare. Inkasta oo aannan aqoonsan, haddana marka aad eegto habka aanu ula macaamilaynnay waa aanu ixtiraamaynnay.

Waxa qoray Cabdiraxmaan ahayaan oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

COMMENTS
Latest News