Markabkii Hubka Siday Oo Hubkii Lagu Raray Laguna Wado Inuu Dekeda Berbera Ka Goosto+ Daawo Sawiradii Hubka Ee Manta

0
20

Berbera (Saxilnews.com)-

Xukuumada Somalilanad ayaa siidaysay markabkii Hubka siday ee Berbera lagu qabtay iyo qalabkii milatari ee saarnaaba , kadib markii xafiiska madaxtooyada ee Dalka Sudan uu madaxwaynaha Somaliland usoo diray Dhambaal uu kaga hadlayo Hubka ku xayiran Berbera ee lagu qabtay Markabka shixnada milatari siday. Iaydoo ay wararku Sheegeen Inuu Madaxwaynaha Suudan Uu Xukuumada Somaliland Si Sharaf Leh Uga Codsaday In Markabaasi La Sii Daayo.

 

Wararka ay shabakada Saxilnews helayso ayaa sheegaya in uu toddbaadkan uu madaxwayne Siilaanyo soo gaadhay warqad uu si toosa usoodiray xafiiska madaxwaynaha Suudan Md. Cumar Al-bashiir kaasi oo ay suudaan kaga hadlayso hubka markabka lagu qabtay iyo meesha uu usocday

Wararka  ay shabakada Hadhwanaagnews helaysaa waxa  ay sheegayaan in dawlada Suudaan ay ka cadosatay madaxwayne Siilaanyo in loo siidaayo hubkaasi oo ay sheegeen

hub loowado carwo lagu qabanayo wadanka imaaraadka Carabta Si looga dhigo carwo wax-soosaarka hubka ah oo lagu soo bandhigayo dalkaasi iyadoo intaasi ku dartay in aanu hubku ahayn hub ganacsi amaba cid gaar ah loowado.

Sidaa awgeed waxay ay dawlada Suudaan  ay dhambaalkan ku cadsatay in hubka loo siidaayo si aanu wakhtiga bandhiga hubka ugu dhicin.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa la sheegay in isagoo ka jawaabaya codsigaas dawlada Suudaan uu go’aansaday in markabka iyo hubka uu sidaba lasiidaayo mar haddii ay dawlada Suudaan ay cadaysay inay hubka leedahay islamarkaana uu yahay mid carwo lagu soo bandhigayo .

Waxaana Lagu wadaa Inuu Markabkaasi Si Toosa Dekeda Berbera Uga Goosan Doono Saacadaha  Soo Socda Iaydoo horena Maxakmada Gobolka Saaxil Loo Horkeenay Kaptanka Markabka Mv/Shaakir Balse Ilaa Imika Ma Cada Meelu Kiiskaasi Ku Danbeeyey Balse waxay Wararku Tibaaxayaan Inuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo ) Oo Markabkaasi Cafiyey Iyo Hubkaasi Saarnaaba

Berbera Office

Berbera2002@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here