Saxilnews.com
Sababta Somaliland u Fasaxday Markabkii Hubka Siday Wasiirka Arimaha Dibada
February 3, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com) .

Xukuumada Somaliland Ayaa Waxaa Ay  Maanta Si Rasami Ah U Shaacisay In Ay Fasaxday Markabkii Hubka Sharci Darada Ah Lagu Qabtay Ee Ku Soo Xidhay Dekada Magaalada Berbera.

Sidaana Waxaa Sheegay Wasiirka arimha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Oo Warbaahinta La Hadlay Waxaana Uu Sheegay In Hubkaasi Sababta Ay U  Fasaxayaan Ay  Tahay Dawlada Sudan Oo Sheegtay Isla Markaana Madaxweynaha Dawlada Sudan Uu Warqad  Uu Ku Sheegaayo  Lahaanshaha Markabkaasi Uu U Soo Diray Madaxweynaha Somaliland Xukuumada Somaliland Ay Soo Ogaatay Xaqiiqada Saxda Ah Ee Ku Saabsan Wararka Markabaasi Isla Markaana  Uu Madaxweynaha Somaliland Go,aan Ku Gaadhay In Tix Galiyo Codsiga Madaxweynah Sudaan Markbaasina Sidaasi Lagu Sii Daayo Waxana Uu Yidhi Wasiirka Oo Arintaasi Ka

Hadlaya “Dawlada Somaliland Waxaa Weeye Dawlad Iyada Oo Aan La Ictiraafsaneen   Hasa Yeeshe Madax Banaan  Dawlad Caalamka La Dhaqanta Oo Sidii Dawladaha U Shaqeysa Aad Iyo Aadna Xil Weyn  Uga Saaran Yahay Ilaalinta Xeebaheeda Iyo Badaheeda Masuulyad Baana Naga Saaran  In Aynu Ilaalino Gobalka Badihiisa Iyo Waxii Soo Galaya.

Markabkaasi Waa Uu Soo Galay Siduu Wasiirka Arimaha Guduhu Idiin Sheegay Waxuu Siday Hub Hubkii Waanu Aragnay Waanu Qabanay Masuulyad Weyna Wey Iska Saartay Wasaarada Daakhiliga Iyo Sirdoonka Somaliland  Waxey Soo Xaqiijiyeen Warku Siduu Ahaa  iyo Xaqiiqadu Siday Tahay Markii Aanu Ku Kalsoonanay Warkii Xaqiiqda Ahaa Waxaa  Xukuumada Somaliland La  Soo Xidhiidhay Madaxweynaha Dawlada Sudaan Waxaanu Xaqiijiyey  In Markabkaasi Ku Socday Abu Dubai Iyo Macrad keeda Markaanu Xaqiijinay Hubinay  UN Ka Iyo  Hayadihii Caalamka U Sheeganay  Iyada Oo Aad Ogtahiin In Dacaayado Fara Badan Oo Aan Munaasib Aheyn Laga Sheegay Waxaanu Go,aansany  Madaxweynaha Sudaana Noo Soo Xaqiijiyey In Markabkaasi Yahay Mid Sideed Nooc Oo Kala Duwan Sida  . Kuna  Socda Magaalada Dubai War Sugna Uu Soo Helay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland  Madaxweynaha Somaliland Waxaa Uu Go,aansaday In Uu Tix Galiyo Warqadii Madaxweynaha Sudaan  Cumar Al Bashiir Soo Diray  Siina Daayo Markabkaasi “ Ayuu Yidhi .

 

 

Sidoo Kale Isga Oo Hadalkiisa Sii  Wata Ayaa Waxaa Uu Wasiirku Sheegay  In Dawlada Sudaan Ay Cadeysay Lahaan Shaha Markabkaasi Xukuumada Somaliland Ay Xaqiiqada  Soo Ogaatay  Isna Wafaqeen  Hadlka Madaxweynaha Sudaan Iyo Xaqiiqada Ay Somaliland Soo Ogaatay  Sidaasna Lagu Go,aansaday In La Sii Daayo Markabka Waxana Uu Yidhi  “Dawlada Sudaan Wey Soo Cadeysay  Somaliland Waxaa Ay U Dhaqantaa Sida Caalamka Iyo Dawladaheeda Ma Nihin Dal Yar Oo Meel Gaar Ah Ku Yaala Beesha Caalamka Ayaanu Ka Mid Nahay Markaanu La Xidhiidhnay Ciidankeena Iyo Sirdoonkeena Iyo Wasiiradeeni Daakhliga Ah Isla Markaana La Helay Warka Saxda Ah Madaxweynuhuna Noo Soo Diray Waraq Waxaanu Go,aansany In Aanu Sii Deyno Sida Ugu Dhakhsaha Badana Waa Uu Baxayaa “

Dhinca Kale Wasiirka Ayaa Waxaa Uu Cadeeyey In Xukuumada Somaliland Aanay Ka Qaadi Doonin Markabkaasi Wax  Ganaax Ah Oo Ay Cafisay ““Waanu Cafinay Wax Ganaax Ah Oo Laga Qaadayaana Ma Jirto Maadama Oo Dawlad Aanu Walaalo Nahay Ay Tidhi Anaga Ayaa Leh  Cilaaqadna Naga Dhexeeyo Wadan Aanu  Jaar Nahayna Uu Yahay Ganaaxii  Waanu Ka Dhaafanay Waana Uu Baxayaa” Ayuu Ku Soo Gabo Gabeyey Hadalkiisi Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

 

berbera2002@gmail.com

contactsaxilnews2015@gmail.com

Hargaysa //Ofice

COMMENTS
Latest News