Berbera(Saxilnews.com)-Shacabweynaha kudhaqan Deegaamada Jidka isku Xidha Degmad Laasgeel(Dacarbudhuq)iyo ilaa Berbera ayaa saaka soo dhaweyn balaadhan ku qaabilay Maareyaha Cusub ee Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo kasoo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimada ah.
Sidoo kalewaxa Maareyaha Cusub kaga hortagay deegamadaas shacab aad itira badan oo kamida shacaweynaha reer Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo aan ukala hadhin soo dhaweynta Maareye Axmed Yuusuf Dirir waxaanay dadkaasi soo dhaweynaayay Maareyaha Siteen sawirada maareyaha Cusub iyo caleemo qoyan oo ay ruxayaan,
Maareye Axmed Yuusuf Dirir ayaa goob kasta oo ay joogaan dadka soodhweynaayay udagaayay oo shacabka mid midi ugacan qaadaayay halka uu haweenkana salaan gacan haadisa ululaayay, waxaana kamid ahaa Degmooyinka ama Tuulooyinka uu Maareye Axmed Yuusuf Dirir shacabka kala hadlay goobaha fagaarah ah isaga oo soodhaweynta diiran uga mahad celinaya Degmada Laasgeel(Dacarbudhuq)Sheekh Abdaal, Lafaruug,Xamaas iyo Derigodle sidoo kale waxa Maareyaha oo gaadiid aad utira badani galbinayaan Waxa loo soo galbiyay dhinaca magaalada Berbera halkaas oo soodhaweyn laysla oogsaday gaadiid iyo dadweyneba lagu qaabilaya Maareyaha Cusub ee Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir kadib markii shaaracyada magaalada lagun soo wareejiyay waxa Maareyaha cusub munaasibada lagu qaabilayo loogu qabtay Hutel Maansoor Berbera halkaas oo dad aad utira badan oo isugu jira masuuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Madaxda waaxyaha dekeda Waayeel, maamulka Maamulka kastamka Berbera iyo waxagarad iyo waayeel tira badan oo ka hadlay goobtaasi ku bogaadiyeen xilka markii labaad loo soo magacaabay ee Maareynta iyo Maamulka Dekeda Berbera oo uu hore maareye uga soo noqday mudo hada laga joogo afar sanadood ka hor
Ugu danbeyntii ayaa Maareeye Axmed Yuusuf Dirir oo bulshada kala hadlay munaasibadaas lagu qabtay Hutel Maansoor ayaa waxa uu mahad celin balaadhan bulshada ujeediyay guud ahaan shacabka Gobolka Saaxil isaga oo dadkii soo dhaweeyay ka codsaday inay ugu duceeyaan in ilaahay(SWT)uu xilkaas ufududeeyo kuna asturo kasoo bixitaankiisa sidoo kale waxa uu Maareye Axmed Yuusuf Dirir Balan qaaday inuu horumarkii hore uga socday Dekeda halkii kasii amba qaadi doono wax muuqdana uu qaban doono hadii Alle Idmo.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Soodhaweynta Maareyaha Cusub ee Dekeda Berbera
Saxilnews.com