Saxilnews.com
XILDHIBAAN DHEEG : “WAXAAN U ARKAA ISKU SHAANDHAYNTA MADAXWEYNE SIILAANYO TALLAABO GEESINIMO LEH”
August 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin [Dheeg] ayaa ka hadlay isku shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo uu xalay ku sameeyay xukuumaddiisa – isagoo xidlhibaanku uu soo dhaweeyay isku shaandhaynta madaxweynaha.

Xildhibaan Dheeg, ayaa isku shaandhaynta uu xalay madaxweyne Siilaanyo sameeyay ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh wallow uu sheeay in dhankiisa ama deegaankiisa uu fara madow ka taaganyahay isku shaandhayntii xalay.

“Waxaan u arkaa tallaabo geesinimo leh, inkastoo anigu xaggayga aan faro madow ka taaganahay oo aanan ka la badalay iyo ka la eryay iyo ka cusuba aanan midna waxba ku lahayn, haddana waxaan u arkaa isku shaandhayntii ugu geesisanayd intii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu joogay, waxaana ay la mid tahay tii ina Cigaal ee aan ka gabyay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg oo wareysi gaar ah siinayay shabakadda GaloolMedia.

Dhanka kale, Xildhibaan Dheeg ayaa waxa uu ka hadlay wada-hadallada Khaatumo iyo xukuumadda Somaliland – isagoo ku tilmaamay guul.

“Waa guul (Wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo), waayo dadku wuu guur guuraa laakiin dalku ma guuro.” Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg

COMMENTS
Latest News