Maraykanka Oo Suudaan Ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd +  Inta Sanadood Ee Ay Cunaqabeyntu Saarneed 

0
18
Sudan (Saxilnews):- Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabataytii dhaqaalaha ka qaaday dowladda 

Suudaan. Cunaqabataytan ayaa Suudaan la saaray labaatan sano ka hor.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Waxay sidoo kale Suudaan wax ka qabatay baa la yiri arrimaha la dagaalanka xagjirka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday.

Waxay sheegayaan kooxahani in Suudaan aysan dhab ka ahayn inay isbadal muuqda samayso. Madaxweynaha Suudaan AlBashiir ayaa ah nin ay doondoonayso maxakamada dambiyada aduunka .

Waxaana madaxweyne AlBashiir loo haystaa inuu gallay dambi dagaal iyo xasuuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here